Ka hor iyo ka dib burburkii dowladdii askarta, waxbarashadu waxa ay ku jirtay xaalad hooseysa. Sanadahaas askartu dalka ka talinaysay ayaa la dhihi karaa waa xilliyadii ugu naruura lahaa kolka kuwa kale loo barbar dhigo. Iyada oo Soomaalidu ku cusubtahay hababka dowladnimo oo waxbarashadu qayb weyn ka tahay, ayay nidaamyada casriga ah ee waxbarshada qayb weyn dayacday.
Waxbarashadu waxa ay ugu horreysaa qodobbada (factors) saameeya horumarka bulsho iyo kan qofeed, sidaas ayay dunida horumartay ugu aragtaa waxa hortibinta koowaad leh. Burburka nidaam iyo midka bulsheed, ee dalka ka jiray muddada dheer waxaa ka dhashay in fahamkaas [muhiimmadda waxbarashada] uu meesha ka baxo ama uu naxuuso. Waxaa kale oo yaraaday dedaalladii lagu soo celin lahaa ama lagu unki lahaa waxbarasho loogaga gudbo jarribka iyo jahawareerka jiitankiisu jeer dheer soo jiray.
Burburkii dhacay saameynta uu yeeshay waxa laga arki karaa dhinacyo badan oo nolosha dadka ah, waxbarashaduna waxa ay ka mid tahay meelaha aad ka looga dareemi karo, hoos-u-dhac xooggan ayaana jiray sannado, welina jira kaas oo keenay in qofka waxbartay iyo kan aan xaraf loo xarriiqin aysan wax badan isdhaammin. Qaybaha waxbarashada ee burburku saameeyay iyo sida loo dareemi karo ayaan qoraalkan kaga hadlaynaa.
Manhajka
Eray ahaan, manhaj waa tub ama waddo cad oo la rabo in yool cad lagu gaaro. Manhajku waxa kale oo uu kaga dhiganyahay dowlad ama dad meel deggan, nidaam ku dhisan dhaqankooda, diintooda,qiyamkooda iyo wax wal oo macna u leh dadkaas/dowladdaas oo iyagu dejisteen. Manhajku waa qaybt ugu muhiimsan nidaamka waxbarasho, waana meesha laga hago maanka bulshada. “… tayada waxbarashadu waxa ay ka billaabataa manhaj isudheelli tiran.” Sannadihii burburka ka horreeyay, manhajka waxbarasho ee dalka isku mid ayuu ahaa, oo ma jirin kala duwanaasho la arki karo. Islahaanshiyahaasi waxa ka dhasha in ay soo baxaan arday aaqon ahaan iyo aragti ahaan is leh oo isla jaanqaadi kara. Ka dib sanadihii sulufka colaadeed, waxaa jaantaa rogan noqday manhajkii mid ka ahaa. Waxaa meesha ka baxay in wax isku mid ah la baro arday hal tuulo ama hal magaalo wax iskala barta. Dalal iyo hay’ado kala ujeeddo iyo aragti ah ayaa dalka yimid. Mid walba waxa uu watay manhaj waxbarasho oo uu rabay in uu bulshada wax ku baro. Halkaa waxaa ka dhashay isdiidooyin aragtiyeed. Laba qof oo isku guri jooga ayaa la arki karay in aysan isku qaddiyad ahayn ama aysan meelo badan oo ay ahayd in ay mid ka noqdaan aysan ka mideysnayn. Sababtaas ayaa lagu sheegi karaa manaahij xambaarsan ujeedooyin kala fog in ay dalka soo galeen, oo dadkii mid ba wax gaar ah lagu shubay.
Manhaj mid, oo si simman dalka looga dhigo waxa uu qayb ka qaadan karaa xasilloonida iyo tirtiridda murannada bulshaada dhexdeeda ah. Haddii la waayo manhaj sifahaas leh, waa maragmadoonto in la arkayo dad aan wax ku heshiin, meelna aan u wada socon. Waxaa kale, oo la waynayaa degganaan siyaasadeed iyo mid bulsho.
Sanadahaas sulufka colaadeed iyo jahawareerku jireen, waxaa qayb dhibaatada ka hurinayay manaahijtii dalka ka jirtay oo habayaraatee hal meel u wada socon. “… manhajku wuxuu ahaa mid aan sal fadhiya lahay.” Isdiidooyinkii ka dhashay manaahijtu laba dhibba waa ay sababeen: mid aqooneed iyo mid siyaasadeed.
Tayada macallinka
Kolka waxbarasho laga hadlayo, macallinku waxa uu ku jiraa waxa ugu horreeya ee laga fekero. Waa qofka la rabo in hadafkii la lahaa sida uu yahay u gudbin lahaa. Tayada macallinka waxa ay qayb weyn ka qaadataa nooca qof ee la soosaarayo iyo tayaynta waxbarashadiisa. Geesta kale, tayada macallinku waxa ay qayb ka tahay manhajka waxbarashada, sidaas darteed waa qodob si gaar ah iyo si guud ba il gaar ah loogu leeyahay.
Sannadihii wareerku jiray macallinimadu waxa ay noqotay meesha ugu hooseysa ee qof ku fekero in uu ka shaqeeyo. Waxa ay noqotay shaqooyinka tan ugu liidan, sababtuna waa in uusan bulshada dhexdeeda iyo maamulka jirayba uusan wax mudnaan ah la lahayn. Waxaa shaacsane noqotay, “wax kale haddii aad ii weysaba, macallinimo ha ii waayin.” Hooseyntaas ay la kulantay howsha macallinimadu, waxaa ka dhashay in shaqadaas qiimaha leh qof ku dhiirrada la waayo ilaa mid meel uu ciirsado waayo ma ahane. Tiiyoo aan la siinayn xuquuqdiisi oo dhammays ah. “… macallinimadu waxa ay noqotay mid magac uun ku eg…”. In sidaas loo qiima rido qaybtaas weyn ee waxbarashada ka middada waxaa keenaya faham yarida ka jirta muhiimmadeeda.
Macallinka Soomaaliyeed duruufta u uku shaqeeyo waa mid qof walba ogyahay, oo waa meelaha ugu hooseeya ee shaqa loo raadsado. Waxaa kale oo tayadi macallinimada dilay nidaamka lagu shaqaalaysiiyo macallinka. Macallinimadu waa xirfad barasho iyo tababarasho u baahan. Waa howl la rabo in qofka ka shaqaynayaa uu yahay mid mudan e, magaca la fiirin. “maadadan kaalaye dhig” waa waxyaalaha ugu waaweyn ee dayaca waxbarashada sababay, tayadii macallinkana baabi’iyay.
W/Q: Cali Xuseen Axmed