Sidee daawo bukootay loo daweeyaa?

 

Sidee daawo bukootay loo daweeyaa?

 

Waxa ugu wanaagsan ee la dhowrto waa waxa qofka jidka horumarka ku haga, waxa ugu horreeya ee la iska dumiyana waa isla waxaas—aqoonta.

Waxbarashada macna ahaan, waa beddelidda habdhaqanka qofka ama bulshada. Waxbarash
adu waxa ay keensataa isbeddel dhaqameed, fikireed iyo qaab arag adduun. Qofka wax bartay si walba qofka kale waa kaga duwanyahay: dulqaadka, fekerka, qaab hadalka, aragtiyaha nolosha. Waxa kale oo uu kaga geddisanyahay siyaalaha uu u xalliyo dhibaatooyinka dhaca ama kuwa taagan. Isweydii qof wax bartay oo intaasba la hayn. Maxaad ugu yeeri lahayd, adi ahaan? Ma qof wax bartay mise macna kale ayaad haysaa?

Qur’aanka meela badan iyo suurado badan waxaa ku jiro, “Miyaynaan fekereyn? Miyaynaan caqli lahayn? Miyaynan arkeyn? …” Caqligu waa feker, fekerkuna waa caqliga oo laga shaqaysiiyo. Wax kalena ma ahane, waa waxa aan kaga duwannahay noolaha kale. Wax kale oo aan dheernahay miyaa jira, oo aan fekerkaas ahayn? Waa MAYA! In aad fekerto waxa ay ka dhigantahay in aad qof wax garanayo tahay, wax fahmaya, cilmi leh. Aqoontu waa aaladda kuu sahlaysa in aad caqligaa ka shaqaysiiyo. Waxa ay daaraysaa maskaxdaada, oo ay u ogolaanaysaa in ay fekerto. Maxay ka dhigantahay adiga oo wax bartay, misana aan dhaqammadii qof wax bartay lahayn? Dawo bukootay soo loogu ma yeeri karo? HAA!

 

Waxtarka shaygu wuxuu ku xiranyahay inta uu qofka agtiisa ka gooyo. Waxbarashadu waxa ay qaabaysaa horumarka bulshada dhan walba, taasi ayaana muujinaysa muhiimmaddeeda. “Miyay simanyihiin kuwa wax bartayiyo kuwa aan wax baran?”, “Weydiiya kuwa cilmiga leh, haddii aydaan aqoon.” Sidaas ayuuAlle leeyahay. Waxaad ka garan kartaa sida qofka waxbartay uu muhiim ugu yahay bulshada dhammaanteed iyo derajada u uku leeyahay. Waxa kale, oo ay tusisaysaa in qofka waxbartay uu kaduwanyahay qofka aan waxba baran; xagga dhaqanka, dabciga, dad la dhaqanka, xallinta mushkiladaha… Haddii qofkiwaxbartay sifooyinkaas laga waayo, oo cagsiga laga helo—dhammadi qofka aan waxbaran—maxaa dhacaya? Soo lama dhihi karo waa dawo bukootay? HAA!

Waxbarashada waddankeennu waxa ay soo martay marxalado kala duwan, oo ilaa 4 qayb loo kala qaado: Gumeystihii ka hor, xilligii gumeystaha, gumeystihii kaddib iyo burburkii kaddib. Xaaladahan kala duwan iyo sida waxbarashada waddanku ula falgashay dhibaatooyinki jiray ayaa lagu miisaami karaa jawaabta su’aasha kore. Waxbarashada waddanka ka jirto iyo dhibaatooyinka bulshada haysto kolka la isla barbar dhigo waa wax aan isu dhigmin. Marxaladda Burburki kaddib ah waa ay ka duwantahay waxbarashadu marxaladihii ka horreeyay. Waxaa la helaykanshooyin ka badan kuwaas oo waxbarasho ah. Dad badan ayaa waxbarteen, goobo waxbarasho oo bandanna irdaha ayaa loo ballaqay. Aan markale ku weydiiyee, waxarashadaas faaftay ma xallisay mashaakilaadkii bulshada? Ilaa intee ayay abuurtay fursado kale oo looga maarmo gacan hoorsigii jiray? Wax la sheegi karo in aysan ka qaban ayaa laga marqaati kici karaa. Dhaqan wanaagsan kuma aynaan baran, oo musuq, eex, caddaalad-darro, been iyo iskudir ayaan sidoodi ugu dhaqannaa. Colaado, abaar, faqri, dowlad xumo iyo dawirsi ayaan weli la noolnahay. Tirade iskuullada iyo jaamacadaha noo furan maxay intaas oo dhib ah ka qabteen, haddii aad isweydiiso waxba ayaa kuu soo bexeysa. Soo lama dhihi karo waa dawo bukootay? HAA! Sifihii waxbarasho lagu yiqiin iyo kii qofki bartay lagu yiqiin intaba lama haayo. Qof waxbartay ayaa xoolihii ummadda musuqmaasuqaya, caddaalad-darro ku dhaqmaya, dadka isku diraya, dadka kala goonaya, halkii uu isu keeni lahaa. Waxbarashadeennu sinna baahiyaha aan qabno ula ma falgasho. Isku ma daydo in ay wax ka qabato. Waa dawo bukootay oo u baahan in la daweeyo. Haddaba side loo daweyn karaa? Waa su’aal loo baahanyahay in aniga iyo adiguba ka jawaabaan.

 

W/Q: Cali Xuseen Axmed

Previous Post Next Post