UNLIMITED MEMORY (Xasuusta aan xadidnayn)
Buuggan, oo uu qoray Kevin Horsley waa buug si maskaxaysan kaga hadlaya xasuusta iyo siyaalaha loo horumariyo in wax milay dheer la xasuusnaado. Kevin Horsley waa qoraa iyo tababare dhanka xiska ah. Horsley wuxuu ku jiraa dad tira yar oo ku guuleystay International Grandmaster of Memory Championship. Sidoo kale, waxa uu haystaa "The Everes Memory Test of World Records" oo laba mar ah.
Buuggan xusuusta an xadidnayn, waxa uu kaga hadlayaa qoraagu muhiimmadda xasuusashada, sida loo kobciyo xasuusta, wax alla oo aad baratana aad wax kaga xasuusan karto. Qoraagu wuxuu buugga kugula wadaagayaa tabo iyo talooyin ay tahay in qofku raaco si' uu u horumariyo xasuustiisa. Waxaa kale oo uu dhigayaa buuggu xeerar ay tahay in qofku raaco.
Buugga wuxuu ka koobanyahay seddex (3) qaybood. Qaybta koobaad, waxa ay ku baraysaa sida loo horumariyo diirad saaridda. Si aad diirad saaridaada u sarreysiisyo waxa aad u baahantahay; in aad iska illowdo marmarsiiyada iyo wax kasta oo kaa weecinaya diiradaada.
Qaybta labaad, waxa ay ku baraysaa sida loo horumariyo awoodda aad ku abuuranayso qiyaalkaaga aadna iskugu xireyso fekradaha. Qaybtaan waxaa lagu leeyahay; waa in aad soo heshaa warbixinta aad dooneyso in aad xifdiso, ka dibna adeegso xeerka (SEE) Xeerkaan wuxuu kuu sahlayaa in aad xasuustaada fog (Long-term Memory) ku keydiyo wixii aad soo baratay. Waxaa kale, oo ay qaybtani ku baraysaa adeegsiga tabooyin adiga kuu gaar ah. Tusaale, qoraagu wuxuu soo qaadanayaa habab uu isagu u arko in aad wax kasta sidoodi ugu xasuusan karto iyada oo wax kaa lumin: CAR METHOD, BODY METHOD.
Qaybta seddexaad, waxa ay leedahay " sameyso caado aad markasta adeegsato"
Caadooyinka muhiimka ah ee qofka kaalmeynaya in uu xasuustiisa horumariyo, buuggu wuxuu ku soo koobayaa 4:
Samaysashada hadaf, samaysashada go'aan, joojinta isdhegeysiga iyo howl maalmeed joogta ah.
Si guud buuggu wuxuu kugu beerayaa yididiillo iyo awood xifdis oo aan ahayn ku celcelidda hal sadar saacado badan, taas oo maskaxda qofka culeys badan saaraysa. Wuxuu ku barayaa tabooyin (tricks) aad ka heleyso adeegsigooduna uu kuu fududyahay. Dhanka kale, buuggu waxaad malaynaysaa in uu ku baarayo; mararka qaarkood waa uu kaa dhex hadlayaa. Waxyaabo dadka 95% ay ku sifaysanyihiin ayuu kaala hadlaa, isla jeerkaasna ku siinayaa daawooyinkooda.
Cali Xuseen Axmed