Yaa qoraalkeyga iga iibsada


Su’aal aan asxaabteyda badankood weydiiyo ayaa jirta, “Maxaa kaa farxiya?” qof walba waxa uu leeyahay wax kiciya dareenkiisa. Wax ku abuura hammi cusub, rejena geliya. Waxaa jira wax kaga dhigan booska raashinku nolosha qofka kaga jiro. Waa hubaal in ay jiraan hal wax ama ka badan oo aad jeclaan lahayd helidooda daqiiqad walba. Wax aad isleedahay haddii aad joogto u hesho farxad kaama dhamaateen. Waxsoosaar macna leh ayaad sameyn lahayd. Waad guuleysan lahayd. Waad isa soosaari lahayd.

Ma jiro qof aan leheyn wax dareen geliya, se waxaa lagu kala duwanyahay garashada waxaas. Mar ayay dhacdaa in aad jeceshahay in sidaa iyo sidaa laguu yeelo, si aad dheeraad tamar ah maalintaada u hesho. Ogobey, waxaas muhiimadoodu kuuma muuqdaan, oo dhab ahaan isu ma weydiin sabab aad u rabto in laguu sameeyo sidaa iyo sidaa. Sabab alle sababta ay tahayba qofku waxa uu sameeynayo waxbuu u sameeyaa: ha laguugu amaano, aad magac ku yeelatid, lacag ka hel, dadku ha kugu bartaan iyo sababo la mid ah. Intuba khalad ma aha in qofku wax u sameeyo, waayo haddii aysan sababtaasi jiri lahayn ma uusan sameeyeen waxan. Waad igu diidi kartaa in wax ka badan in dadka wax la taro wax loo sameeyaa aysan qofnimada u wanaagsanayn, laakin halkaa marka ay joogto adiguba kama aadan fekerin qofkaas. Sabab kasta tii ay noqotaba wax sameey, waxba naga ma gelin ujeedka aad u sameysaye, waxaa noo muhiim ah waxtarkooda. Haa waa sidaa, oo adna waad faaiideysaa, innaguna  waa faaiideynaa.

Sababta aan wax u barto iyo tan aan wax u qoro haddii aad i weydiiso waa kaaga jawaabayaa, laakinse ma noqonaysaa jawaab aan wixi aan rabay ku helo ama aan qayb ahaan ku helo? Waa ii muhiim inaan taas ogaado waayo si daacad ah ayaan kuugu jawaabi lahaa. Warkaasu si fiican kaaga ma dhaadhicin. Daneyste inaan ahay ayaad ku fikirtay, oo jawaabteyda iyo ujeedkeyga ayaan isku xiray. Daneyste se ma ihi, mana maleynyo inaan kuula muuqan doono qof noocaasa kadib jawaabteyda. Hal dhib ayaase jira. Waa maxaay dhibkaas? Waa inaan ka baqayo inaad I rumeysan weyso, waxes iga ma gelin rumeyntaada iyo rumeyn la’aantaadee, waa kuu sheegayaa.

Laba sana ka hor ayaan maalin Facebook-gga ku arkay faallo laga bixiyay buug aan sannado raadinaay. Faalladii ayaan akhriyay, buuggiina halka laga heli karo ayaan weydiiyay faalla soo qorihii. Iima uusan jawaabin. nin oday ah ayaan ka sheekeysany maalin kale arrimo, buuggiina waan weydiiyay maadaama uu qaybahaas aqoonyahan ku ahaa. Xaafaddiisa ayuu igu ballamiyay, anna kama aanan daahine degdeg ayaan ugu tegay. Buuggi aan muddada goobayay ayaan ku arkay maktabad yar, oo xaafadda ugu tiil. Waxaan ka codsaday in aan buugga soo akhristo, waase igu gacan sayray. In uusan i siinayn, xitaa uusan sawir ii oggoleyn ayuu ii sheegay. Hal asxaan ayuuse ii sameeyay. Mareeg internet ah oo laga heli karo ayuu ii sheegay magaceeda. Waa kaga mahadceliyay. Kolkii aan ka baaray mareegti waan ka waayay. Codsi ayaan u diray ah in ay buuggaas iga iibiyaan haddii uu lacag yahay haddii kalena ay ii soo diraan (email). Labada jawaab kama helin. Mar haddii internetka laga helayo waa inaan meel kasta ka baaraa. Waan baaray, waana helay. War wanaagsan! Buuggaas dantaan ka lahaa ayaan durbaba u dhabbagalay. Waan gaaray danteydiina. Mahad Alle waaye. Halkan ayay sheekadu ka billaabanaysaa. Warkaan aar qoray yaa iga qaata, oo iga iibsanaya? Lacag xitaa ha i siin e, iga dhegeyso oo kaliya. Ma jirto cid kaa qaadanaysa, waxaase aan kaaga jawaabayaa sababta aan u qoray. Waa in warkeygu meel gaaro, saameyn abuuro, isbeddel keeno, lagu diirsado duxdiisa, dadku ay isku dabiibaan, docu aan kaga helo inta uu dabiibka u noqday. Waxaan u qoraa nafteyda iyo naftaada. Nafteyda ayaan u qoraa, oo waa isku daweeyaa. Naftaada ayaan u qoraa, inaad isku daweeyso. Qoraalkeygu qiima ma joogo, si aad u akhriso oo aad iiga mahadnaqdo ayaan cinwaanka kore kugu gaaday.  Waa ku gaaday si aan kuu helo.

Cali Xuseen Axmed

2 Comments

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  2. waad I gaaday runtii balse wax badan ayaan kaa faaiiday runtii Saaxib Qaaliya

    ReplyDelete
Previous Post Next Post