heerarka akhriska

 

Heerarka Akhriska

 

Akhrisku waa howl aan waxba ka duwanayn shaqooyinka qofku si maalin la ah u qabto. Waa howl u baahan in looga fekero sida aad uga fekeri lahayd kolka aad kubbad ciyaarayso in aysan shabaqaaqa la soo taaban. Marar badan waxaa la yiraa, akhrisku waa howl aan firfircoonayn (passive activity), saxse ma aha hadalkaasi. Akhrisku waa howl firfircooni leh. Waa howl u baahan xirfad iyo xirribooyin, si loo gurto miraha akhriska. Akhrinta qoraalladu waxa ay leedahay xeerar iyo heerar kala xadeeya. Qofka majallad akhrinaya iyo kan buug cilmiyeed akhrinaya, isku xeer ma ilaalinayaan, isku heerna wax uma akhrinayaan. Waxa la akhrinayo ayaa inta badan xeerarka akhriska lagu salleeyay, sidoo kale heerarka akhrisku waxa ay ku xirnaanayaan waxa aad akhrinaysid, jeedafka aad u akhrinaysid iyo waqtiga aad u haysato akhriska waxaas.

Ujeedooyinka wax loo akhriyo seddex wax ayaa inta badan lagu soo koobaa:

·         In aad fahamto, xogna aad hesho

·         In aad xog dheeraad ah hesho

·         In aad madadaallo ka dhigato

Waxaa sidoo kale jiri karta in aad seddexdoodaba isku rabto. Waxa aad akhrinayso ayay noocyada ujeedooyinkaanu ka dhashaan.

Afar heer akhris oo aan ka soo qaatay buugga, How to read a book oo ay qoreen Mortimer J. Adler iyo Charles V. Doren ayaan ku soo koobayaa halkan.

Heerarka akhriska ee labadan qoraa kaga warrameen buuggooda, waxa ay u kala hormariyeen sida ay ugu kala muhiimsanyihiin qofka akhriska rabo in uu macno u sameeyo. Afarta heer akhris waxaa jira heerar hoose oo mid walba hoos tegayo iyo waxyaalo kaabaya.

1.      Heerka billowga ah (Rudimentary reading): heerkan waa kan ugu horreeya ee qofkuku indhafurto. Markaan, akhristuhu wuxuu baranayaa isku nududda ereyada. Fahmidda nuxurka kuma degdegayo.Waa meesha laga billaabo akhriska ama waa meesha lagaga baxo xadka umminimada (illiterate). Heerkan qofku marka uu si wanaagsan u barto waxa uu u gudbayaa heerarka kale, isaga oo ku raaxaysan doona. Heerka kowaad waa ku dhawaaqista ereyada iyo in aad fahmi karto macnaha ereyada. Sidoo kale, heerkan qofku wuxuu baranayaa ereyada isku xirkooda, ku dhawaaqistooda iyo macnaha ay xambaarsanyihiin. Waxaa dhacda in qofku heerkan uu fahmi waayo ama ku dhawaaqi waayo, taasna sababteedu waa mid meela kale ka imaanaysa—farsamaha ahaan, ama qaabki uu wax u bartay.

2.      Heerka dulmarka (skimming reading): heerkan waxaa la beeqaaminayaa waqtiga iyadoo nuxurka iyo ujeedka buuggana laga tegeynin. Dulmar kooban, xog aad ku heli karto, buugga iyo waxa uu daaranyahayna aad ku ogaan karto ayaad samaynayaa; isla markaasna waqtiga aad koobeyso. Kolka aad dulmar akhris sameynayso, waxa hadafkaagu yahay in aad garato waxa buuggu ka warramayo iyo waxa aad ka baran karto. “… haddii heerki hore—heerka billowga—aad isweydiinaysay su’aasha ah, “maxay jumladdan ku saabsantahay?, hadda waxaad isweydiinee, buuggan muxuu ka warramaa? Side ayuu u samaysanyahay? Qaybaha uu ka koobanyahay.” Kolka aad dulmar akhris samaynayso waxaa jirta laba qaab oo loo sameeyo, kuwaas oo dulmarka hoos imaanaya: Systematic Skimming iyo Superficial Skimming. Kan hore hadafkaagu waa in aad kala ogaato in buuggu akhris taxaddar leh u baahanyahay iyo inkale, kan labaadna si taxaddar leh ayaad ku akhrinaysaa.

Kolka dulmar lagu samaynayo buug ama lagu akhrinayo, ma ahan in aad buugga wada akhrinayso, se meela gaar ah ayaad ka akhrinaysaa. Cinwaanka buugga, tusmada buugga, lifaaqyada uu wato, ararta qoraaga, qulaasada uu qoraagu sameeyo—haddii uu sameeyay.

3.      Akhris lafagur (analytical reading): heerkan waa mid aad muhiimsan, waxtarna eh. Heerkan waa heerka akhristuhu uu ruugayo buugga, calalinayo, dheefshiidayo, kaddibna uu nuxurka sidaas ku liqayo. Heerkan, akhristuhu buugga meelna ma dhaafayo, dhugma sarreysana waa u yeelanaya. Halkan waa kolka jeedafku yahay in wax la kororsado, waxna la fahmo. Waa heerka waqtiga ugu badan gelayo, lamina xisaabinayo waqtigaas.

4.      Heerka isbarbardhigga (Syntopical reading): heerkan waa kan ugu sarreeya. Waa isbarbardhig qoraallo kala duwan oo akhristuhu meela kala duwan ka soo akhriyay. Heerka isbarbardhigga waa heerka ugu sarreeya ee akhriska. Waa kan akhristuhu ugu heli ogyahay aqoon dhamays ah.

                     

                        Cali Xuseen Axmed

                    12 September, 2022

                Muqdisho, Soomaaliya

Previous Post Next Post