Dareen-habaabiyaasha Qarsoon

 

Cabsi geli

Dareen-habaabiyaashu qofka ay dareenkiisa koontaroolayaan waa ay cabsi geliyaan. Marka hore waxa ay kuu samaynayaan ar


rimo aad ku farxaysid ama dareen wanaagsan ayay ku gelinayaan, kolkaa qofku waxa uu ka baqanayaa in uu waayo waxaa loo muujiyay. Xirfadlayaasha dareenka dadka habaabiya waxa ay aad u yaqaanaan sida dareenka loo xado, ka dibna cabsi in la waayo ah lagu abuuro. Siyaasiyiinta ayaa arrinkan aad ugu adeegta.

Yareyn (belittling)

Qofka dareen-habaabinta ku xeesha leh waxa uu yaqaan sida qofka niyadda looga dilo. Afjigid iyo xumeyn ayuu isugu kaa derayaa. Waxa uu ku tusayaa ama ku dareensiinayaa hooseyn nafeed. Dareen-habaabinta noocana waxaa kale oo la adeegsadaa in aragtiyaha qofka aan la dhegeysan ama wax aan muhiim ahayn laga dhigo. Yareyn ayuu ku sameynayaa wax wal oo aad la timaad, adigana qof aan qiima lahayn ayuu kaa dhigayaa.

Isdifaacid

Qofka raba in uu dareenkaaga xukumo ama ku maamulo, waxa uu isku dayayaa farsamo kasta oo uu kugu xajin lahaa. Waxa uu kuu muujinayaa marxalad lagu habaabiyay ama habaabin ah. waxa aad si aan caqliyaysnayn u difaacaysaa naftaada ama difaac caadifadaysan ayaad geleysaa, waana halka uu kaa soo gelayo kan raba in uu dareenkaaga la wareego.

Is-eedeyn

Is-deyntan waa marka denbi aadan ahayn laguu muujiyo in aad adigu leedahay, sidaasna aad ku qirato denbigii. Dareen-habaabiyaashu arrinkan waa ku adeegtan, dadkana aad ayay ugu badantahay in denbi aysan gelin ay aad kaga werweraan.

Is-illowsiin ula kac ah

Dareem-habaabiyuhu waxa uu iska dhigayaa mid illowsan arrin aad ku ballanteen ama ballan uu kaa qaaday. Run ahaan, ma illowsana e waxa uu rabaa in uu dareenkaaga maamusho ama uu ku dareen lumiyo. Arrin aad ku ballanteen ayuu ka soo qaadayaa in uu illoobay amase eedda ayuu adiga ku saarayaa.

Previous Post Next Post