DAB IYO DHAGAX: aafada gaaleysiinta Muslimiinta
Muxammed Yuusuf
“Taariikhdu waynoo musbaax maanka
caawima e
Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku
gaadhaaye
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba
waxa yaalle.”
—Xaaji Aadan Afqallooc: Ceerigaabo.
Sideedaba, taariikhdu waa dersi
looga waantoobo wax la falkin lahaa. Insaanku taariikhda wax uusan culuum badan
kaga baahnayn ayuu uga baahanyahay; maxaa yeelay waa muraayad uu isaga eegi
karo wax tegay,wax jooga iyo wax soo socda. Sida loo kala fahmi ogyahay
arrinkaa ayaynu umaduhu u kala horumarsanyihiin.
Dab iyo Dhagax: aafada gaaleysiinta
Muslimiinta ee uu qoray Muxamed Yuusuf waxa uu si toos ah noo barayaa dhibta ay
leedahay wax ka sheegidda qof Muslinimo sheegtay iyo in aysan wax fudud ahayn
in qof (Muslim) ah gaalnimo lagu sheego. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 5 cutub
oo qaab isku dhisan la iskugu xijiyay. Buuggu waxa uu ka dhashay—sida la fahmi
karo—dhambaallo todobaadle ahaa, oo uu ustaadku qori jiray.
Cutubka 1aad, waxa uu qoraagu
hordhac ahaan kaga warramayaa xaaladdii bulsho ee Qureyshi Islaamka ka hor ku
sugnayd, billaabashadii dacwadda diinta, asxaabtii ugu soo hor muslimtay iyo
dhibaatooyinki ay kala kulmeyn Qureysh. Cutubkan, waxa kale oo uu kaga
warramaya qoraagu kaalmihii kala duwanaa ee asxaabtu—gaar ahaan—Afarta Khulafaa
Raashidiin ay ku la haayeen dagaalladii iyo fididdii diinta. Dagaalki Beder
ayuu si waafi ah faham iyo xog guud kaga bixinayaa buuggu. Martabada Alle
gaarsiiyay intii Beder xaadirtay ayuu ku tiiqtiiqsaday iyo in Cusmaan bin
Cafaan ka qayb ahayn. Sababtii iyoin uu ajir la mid intii xaadirtay uu helay
ayuu sidoo kale sheegay. Si gaar ah, waxaa uu xusay boosas Cumar, Cusmaan iyo
Cali la haayeen. Isla cutubkan, waxa kale oo qoraagu kaga sheekeeyay
duullaanadii uu ay nabigaSCW iyo saxaabadu ku qaadeen mushrikiinta. Cutubkan,qoraagu
waxa uu ku soo gudbiyay arrimaha uu sida xeeladda leh taariikh ahaan buuggu ka
warramayo, dilkii Cumar rc iyo dilkii Cusmaan. Sababaha dhaliyay iyo halkii ay
ka faruurantahay arrinta Islaamka maanta haysata ayuu ku soo gudbiyay. Taariikhaha
qaybtan ku keydsan iyo ahmiyadda ay fasirayaan ayaa laga dheehan karaa
cutubbkan
Cutubka 2aad, waxa uu ka
sheekeynayaa dhammaan aafooyinka aan maanta aragno iyo ibafurkoodu halka uu ka
yimid. Dagaal seddex garab oo Muslimiin ah ka dhex qarxay ayuu sheeegayaa. Umu mu’miniin,
Caa’sha rc iyo Cali ibn Abii Daalib dagaal dhexmaray, Cali iyo Mucaawiya dagaal
dhexmaray iyo qolo nabigu scw sheegay in ay soo bixi doonaan waa Khawaarijtee
iyo Cali dagaalki dhexmaray intaas ayuu sadarrada cutubka 2aad kaga warramay. Dilkii
Cali iyo sida ay uu xaal noqday kama tegin e, waa uu sharraxay.
Cutubka 3aad, waxa uu ka warramaya
cinwaan hosaadka buuggga kolka aad si hoose u dhugato. Miisaanka ay ku fadhiso
kelmadda LAA’ILAAHA ILLALLAAHU iyo xormada uu leeyahay qofka ku dhawaaqa ayuu
qoraagu ku sheegay. Qisooyin asxaab waaweyn ka qabsatay kelmaddan iyo sida uu
nabigu scw kaga falceliyay ayuu sidoo kale ku sheegay. Sida uu lamataabtaan u
yahay dhiigga qofka kelmadda LAA’ILAAHA ILLALLAAHU dhaha iyo sida ay saxaabadii
kaga dhowrsadeyn qisooyinkii dhacay kaddib ayuu ku daabacay qaybtan.
Cutubka 4aad, waxaa qoraagu kaga
warramay sida aafadii ku fidday Muslimiinta dhexdooda u noqotay TUSBAX FURTAY. Waxaa
sidaas oo kale waxa uu ku bayaaniyay sida loo fududeystay gaaleysiinta dadka
Muslimka ah, in uusan arrinkaa xaq ahayn iyo qofku in uu ka joogsado wax uusan
qaaddi maxkamadeed soo iftoon.
Cutubka 5aad waa talo siin iyo
tusaaleyn ku socota dadyowga Muslimka ah. waxaa uu ku talinayaa, ayna tahayba
in aan qof kelmadda LAA’ILAAHA ILLALLAAHU dhahaya aan gaal la iska dhihi Karin.
Buuggan waxa uu si banyaal ah kuu
barayaa sababta ay taariikhdu muhiim u tahay iyo sida ay xal kamadanbeys ah ugu
tahay arrimo badan oo murgay. Dhanka kale, buuggu wuxuu dersi aan mugdi ku jirin
siinayaa dadka Islaamka ah. waa buug mudan in la wada akhriyo, kaliya akhris ma
ahane loo dhugma yeessho.
Cali Xuseen Axmed
Muqdisho, Soomaaliya
10 September, 2022