Dareen-Habaabiyaasha Qarsoon

 Dareen-Habaabiyaasha Qarsoon


“Ilaa aad garawsato sida ay u fududahay in maskaxdaada la maamulo, waxa aad ahaandoontaa kubbad uu qof ku ciyaaro”



Dareen-habaabintu (emotional manipulatoion) waa xeelad ay adeegsadaan dadka dareenka qofka raba in uu si u maamulo ama ka weeciyo dhabbihii qofkaasi gaarkiisa dareennadiisa ula faqi lahaa. Waa xirribo ay ku rabaan in ay qofka dareen ahaan maamushaan ama hadaf kale ku gaaraan. Dareen-xukumayaal ama dareen-maamulayaal ama dareen-habaabiyayaal waxa aad doontu ugu ye

eri, dadka ku howlan in ay dadka ay xiriirka la leeyihiin ama shaqada wadaagaan dareenkooda maamulaa waa ay badanyihiin. Dareen-habaabiyayaashu waxa ay marwalba dadka ku hafiyaan hadallo ammaan been ah u badan, cabsi gelin iyo farsamooyin kale. Daree-habaabiyayaashu waxa ay kugu qasbayaan in aad samayso wax aadan rabin samayntooda. Dadka dareen-habaabinta ku talaxtegay waxa ay qofka ka dhigaan mid aan isku kalsoonayn, ixtiraamka naftiisu ku yartahay, go’aan qaadashada ku liita iyo iyo xakameyntu naftoo ku yaraata. Marka aad aragto in ammaan badan dusha lagaa uwinayo ama hanjabaad badan lagu leeyahay waxaad bartanka kaga jirtaa dooxada dareen-habaabinta. Qof ayaa maalin kaliya ku yaqaan markaasuu kumanyaal ammaan ah oo aad leedahay kuu tixaa. Qofkaasi hadalkiisa ama waxa uu tixayo mid ka run maaha, ee dareen-habaabin ayuu wadaa. 

Dareen-habaabintu (emotional manipulation) waa jaad ka mid xadgudubyada jireed (physical abusers) ee qofka lagu la kaco. Waxa ayna ku jirtaa tan ugu halista badan. Psychologist-yaashu waxa ay sheegeen ilaa soddon (30) farsamo oo ay adeegsadaan dadka dareen-habaabinta ka shaqeeya, kuwaas oo ay dadka kale ku xukumaan (dominate) dareennadooda. Qayb ka mid ah ayaan halkan kaga warrami doonnaa.



Dhiirregelin teetlteel ah

“Mar walba oo jaceyl goosgoos ah lagu tuso, waa mar walba oo aad u hogato qofkii ku tusay, waxaadna noqonaysaa doolli qafi ugu jira”



Dhiirregelinta teelteelka ah waa farsamo awood ahaan xooggan oo dareen-habaabiyayaasho adeegsadaan. Dhibbanaha ayay ku qasbayaan in uu u dhaqmo ama u fekero qaabka ay jecelyihiin. Dhiirregelin ayuu la dabakacaa qofka uu rabo in uu habaabiyo. Ammaan, dhiirregelin, jaceyl iyo wanaag oo dhan ayuu u miisaa. Qofkii intaas la dhahay waxaa ku dhalanaysa arrin u diideysa in uu nasto, fekero oo uu markaliya naftiisa la sheekeysto. Waxa uu ka shakinayaa hadallada uu qofkaas kula hadlo. Waad ka careysiiyay, armuu kaa caroodaa, hadal qaldan ayaad ku tiri iyo kelmado werwer kugu beeraya ayaa kugu dhalanaya. Mar walba qancinta qofkaas ayaa si kuugu weyn ilaa aad isaga uun ka fekerto.


Eedeynta dhibbanaha


“Been aanan u qalmin ayaad ii saarisay…”
Farsamadan, dhibbanaha waxaa dusha loo saaraa eed uusan lahayn ama mid allifaad ah ayaa loo saariyaa. Haddii labada qof xiriir ka dhexeeyay dhibbanaha ayaa loo saarinayaa xumaan kasta oo soo gaarta xiriirkooda. Dhibbanihi waxa uu noqonayaa qof danbiile ah, isna waa uu isu arkayaaba—danbiile.



Aflagaaddo aan toos ahayn iyo xadgudub

“Marwaba xusuusnow, waxa uu si sax ah u yaqaan badhanka lagaa daaro e.”

Qof joog leh ayaad tahay. Soo jiidasho ayaad leedahay. Heestan waad keentay. Amaanta noocaasa ee aan jirin waa nooc ka mid ah aflagaadada aan muuqan, se jeedafku yahay in adiga lagu habaabiyo. qofku haddii uusan wax badan isku kalsoonayn xiiribadan waa lagu xanyuubsan karaa. Qofku marka uu rabo in uu qof kale dareen xado ereyo aan dhab ahaan uga muuqan ayuu ku qulaamiyaa, si uu dareenkiisa u maamusho.


Ceebeyn


Gershen Kaufman waxa uu leeyahay, “ceebeyntu waa tan ugu dhibaatada badan ee qofku naftiisa kaga baqo; dareen kale ka dhib badan majiro, maxaa yeelay marka qofku ceeb ku suganyahay (run ama been) waxa uu dareemaa in uu gudaha ka dhaawacmay.”
Dadka xiriirka leh waxa ay ka baqaan in ay ku ceeboobaan qofka kale ama marka ay erey dhahaan waxa ay isu qaataan in ay wax ceeb ah ku hadleen. 




Cali Xuseen Axmed 

 Jimco, 9 September, 2020

Muqdisho, Soomaaliya


1 Comments

  1. Mahadsanid walal Ali Hussein mawduuc qurux badan ayaa nala wadaagtay.

    ReplyDelete
Previous Post Next Post