Buug koobis

 Kolka wax la qorayo ama la jilayo wax in aad loo xusuusnaado ay tahay ayaa jira—cidda farriinta loo gudbinayo. Waxaa kale oo jira wax ay tahay in loo gudbiyo ciddaas oo agtooda qiima ka leh—qofka iyo xoryaddiisa qofeed.



Buuggan oo dadka qaarkii u akhrisan doonaan qaab sheeko ah, anigase igala weynaaday wax lagu madadaallo iyo wax dareen kaliya lagu koobo ayaa ah buug loo qoray qaab sheeko ah asii sameynta sheekadaas ay wehliso awood sheeko sameyneed oo kulansatay ka warranka dhammaan dhinacyada noloshada. Laba wax ayaa kugu qasbaya in aad hal fadhi ku akhriso buugga oo aad marar badan ku ceshato akhriskiisa: Waa tan koowaade, mowduuca qoraagu ka warramayo iyo sida uu bannaanyaal uga dhigay dhibta uu rabo in uu na tuso. Tan labaad oo ah xirribo turjubaannimo oo turjubaanku adeegsaday taas oo ah luqadda uu adeegsaday oo aan marna mucdii iyo hadafkii qoraagu lahaa meel uga leexanayn—waa farsamada turjubaan kasta laga rabo, si aan loo hareer marin hadafki laga lahaa qoraalka.


Haddii qoraagu noogu xoogsheegtay sheeko faneed kulansatay ka warranka taaganta iyo tagto qarniyaal laga joogo. Turjubaanka ayaa isna noogu awoodsheegtay awood turjubaaneed iyo luqad dareenki sidiisi u xanbaari karta. 

Sheekada faneedda Garbabeel waxaa iska dhex arki kara dhammaan qaybaha bulshada taas oo ka dhigan in qof walba—carruur iyo ciirrole—ay u noqon karto muraayad uu nolosha ku hareereysan ka akhrisan karo.


Cabdifataax Ashraf, turjumaha sheekadan ayaa ku mahadsan soo guurinta sheekadan haddii la dhugto ujeedka iyo dhibta looga dan lahaa in lagu muujiyo wax badan dhaqammada qof nolosha hadaf ka lahaa haadaan ku ridaya.

Previous Post Next Post