Ù‚ُÙ„ْ Ù‡َÙ„ْ ÙŠَسْتَÙˆِÙŠ الَّذِينَ ÙŠَعْÙ„َÙ…ُونَ Ùˆَالَّذِينَ لا ÙŠَعْÙ„َÙ…ُونَ
Waa wax la wada ogsoonyahay in aan labo sinneyn: mid aqoon leh iyo mid aqoon la’. Sida Aayadda Qu’aanka ah ee sare ku xusan sheegeyso, labadaas marna isku kafad noqon maayaan. Aqoontu derejo ayay kala sarreysiisaa labada qof, waana sababtaas aan la isugu jumeyn karin labada qof, kan aqoonta leh iyo midka aqoonta la’. U fiirso Aayad kale ayaa Alle ku sheegayaa in derejo loo kordhinayo cidda aqoonta leh. Halkaas waxaa kaaga baxaya waxa aqoontu tarto shaqsiyadda qofka. Aqoontu waa dabar xakamaha u haya qofka. Waa muraayad uu isku eego. Waa miisaan uu saaro taaganta iyo timaatada. Aqoonluhu waxa uu kaga duwanyahay jaahilka xagga fikirka, aragtida, saadaalinta, kafalcelinta, la dhaqanka iyo dhammaan dhaqammada bulshada dexdeeda ah.
Cilmigan dib u heega dhaca
Cilmigan dulka xaadiska ah
Cimilgan sama dowdarka ah
Caqligu ka daboolanyahay
Bukaankiyo daafka qaba
Gumeysigu diin u yahay
Ilaah lagu diidanyahay.
Dabahuwan, abwaan Hadwaari
Nafaqadarro qof ama noole haysa waan maqalnaye, miyaan weli maqalnay mid aqoon haysa? Mise nafaqadarrowdaa aqoontu? Sida sadarrada sare ku xusan aqoontu waa waxa anuug (masterpiece) ka dhiga qofka heerka markaa la joogo. Aqoontu waa nafaqadarreysaa. Waa caatowdaa, cayishaa. Qofku haddii uusan helin cunta dheelli tiran nafaqaodarro ayuu ka sheegtaa, oo jirkiisa ayaa laga akhrisan karaa xaaladda nafaqadarro ee uu ku suganyahay. Aqoonta aan maanta haysanno waxay ku sugantahay xaalad nafaqadarro oo aad u liidata. Waa aqoon aan qofka wax ka beddelin. Waa aqoon aan akhlaaqiyaad wanaagsan bulshada u kordhin. Waa aqoon aan afka soo dhaafin. Waa aqoon aan kan sheeganaya iyo kan aysan u billownayn aysan waxba isdhaammin. Waa aqoon kalsoonidii qofka dhiseyn. Kalsooni dhaqan, dad, diin, waddan iyo mid bulshaba aan qofka u damaanad qaadeyn. Aqoonta sifahaas leh, maxay kaga duwantahay cunto ay ka maqanyihiin nafaqadii bilicda jirka, difaaciisa ka mus’uulka ahayd? Cuntadu haddii aysan laheyn iskudhisyada jirka koritaanka iyo difaaca u qaabbilsan waxba uma goyso qofka. Aqoonta aan haysnno maanta waa tabtaas. Gabayga aan kor ku sheegay abwaan Hadraawi, wuxuu tilmaamayaa sifaha aqoonteenna. Waa cilmi dulka xaadis ah, oo aan habayaraatee gunta aqooneed loo dhaadheceyn. Waa aqoon dowdarnimo ku suntan oo qofka fadhiid mooyee mid ummaddiisa waxtara ka dhigeynin. Waa mid qofka u garbaduubeysa cid aan wax kala dhexeyn. Aqoonta caynkaas ah waa aqoon nafaqadarro ba’an la ildaran. Waxay si weyn ugu baahantahay in lala gaaro goobaha lagu nafaqeeyo aqoonta oo khuburro aqoon u leh laga helayo.
W/Q: Cali Xuseen Axmed