Waxbarashadu waxa ay ku jirtaa xilligaan baahiyaha aasaasiga ah ee bulsho u baahantahay. Kolka aynu ka taariikheynaynu waxbarashada Soomaaliya waxaa laga yaabaa in dad badan u qaataan amaba u qaateen in waxbarasho ay Soomaaliya ka billaabatay waayadii gumeystaha, ka horna dadku iska ahaa dad aan waxbaran e, xoolaha iska raacda beerahana iska qota. Qormadan gaaban waxa ay burin doontaa aragtidaas ama waxa ay waxba kama jiraan ka dhigeysaa sooyaalkaas aan wax ka jiraa aysan jirin. Sida la wada ogsoonyahay qarniyo badan ayay bulshada Soomaaliyeed Geeskan ku nooleyd. Bulshaduna waxa ay lahayd hab dhaqan-dhaqaale oo iyada u gaar ah. Waxbarasadu waxa ay ka mid ahayd waxyaala xoogga la saari jiray, gaar ahaan barashada diinta Islaamka. Jees wal oo meel degan waxa dhaqan ahayd in carruurta in ka mid ah waxbarasho loo gooyo, inta kalena xoog laga dhigto oo, reerka waxa ay ugu qaybsanaayeen raacista, dhaaminta, falidda iyo howl kasta oo reerku u baahnaa. Marka aynu ka warramayno sooyaalka waxbarasheed ee dalka seddex ayaan u kala qaadeynaa, meelaha qaarna afar ayaa loo qaybiyaa:
• Waayadii gumeysiga ka horreeyay
• Waayihii gumeystaha
• Waayadii gumeysiga ka dib
Waayadii gumeysiga ka horreeyay: inta aan saancadaaluhu dalka salka soo dhigan oo, Soomaalidu iskeed isu maamulaysay, dalka waxaa ka jirtay waxbarasho. Waxbarashadu waxa ay ahayd barashada diinta Islaamka, iyadoo laga billaabayay barashada Qur’aanka, ka dibna culuumta kale ee sharciga lagu xijinayay. Waxaa dhaqan jira ahayd in reerku qayb ka mid ah carruurta, gaar ahaan wiilasha la geeyo dugsi Qur’aan, ka gadaal kolka uu xafido Qur’aanka waxaa loo wareejin jiray magaalooyin lagu barto culuumtakale ee Islaamka. Magaalooyinka Zaylac, Harar, Warsheek, Baardheere, Marka, Xamar IMK waxa ay ka midyihiin magaalooyinka ugu waaweyn ee waddanka loo cilmi doonan jiray. Magaalooyinkaas ku suntan culuumta diinta waxa ay kaallin weyn ka qaateen faafinta diinta Islaamka. Waxa la isku raacsanyahay in culumada ugu waaweyn ee waddanku lahaa in badankood ay magaalooyinkaas ka cilmi qaateen. Waxaa xusid mudan in wixii ka horreeyay gumeystaha ay waddanka ku yareyd waxbarashada maadiga ah, halka tan cilmiga diiniga ah ku xooganaa.
Waayihii gumeystaha
Ujeedooyinka gumeysiga waxa qayb ka ahayd faafinta Kirishtaameynta iyo in bulshada la gumeysanayo laga saaro diintooda iyo waxa ay rumeysanyihiin. Kolkii gumeystihii waddanka u soo sadcaalay qarnigii 19aad uu lahaa dano kala duwan. Tan faafinta wax diinta lid ku ah ayaa qayb ka ahayd, si uu u fuliyona waxa uu billaabay in uu furo iskuullo waxbarasho uu isagu dan ka lahaa. Gumeystihii Ingiriiska ayaa isku day uu dantiisaas ku fulinayo ka billaabay magaalooyinka Berbera, Buullaxaar, iyo Saylac furista iskuullo hoose, waxaase arrinkaa gaashaanka u duruuray dadkii deegaanka oo ka dheregsanaa jeedafka uu arrinkan la leeyahay gumeystuhu. Ingiriisku wuxuu isku day in uu xeelado kale adeegsado si uu uga dhex dusiyo arrinkiisa. Wedaadadii deegaanka ayuu u ogolaaday in ay samaystaan madarasado yaryar luqadda Carabigana wax lagu barto isagoo kaalmona ku siiyay.
Dhanka Koonfureed ee waddanka, Talyaaniga oo xukumayay waxa uu aasaasay iskuullo dhexe oo aan aad u tira badnayn. 1941—50 oo uu Ingiriisku Koonfur iyo Woqooyiba isku haytay ayuu dhanka Koonfureed ka hirgeliyay iskuullo. 1949 ayaa la furay iskuulki ugu horreeyay oo gabdho dhigtaan. Dugsigi sare ugu horreeyayna milayadaas ayaa dedaal ay bxiyeen Soomaalidu lagu furay. Waxbarashada xilliyada gumeystuhu waxa ay ahayd mid aan tayo badan lahayn macallimiinta oo yareyd, dadka daneeyana waa ay yaraayeen. Inta badan waxaa u badnaa dadka gumeystaha la shaqeysanayay iyo dad la rabay xilliyadii danbe in loo tababaro la wariigidda howsha xoryadda ka dib.
Xilligii Maxmiyadda ayaa ahaa waayaha gumeysiga tan ugu roon. Iskuullo badan oo isugu jira kuwa farsamo iyo aqoonta sayniska ah ayaa la furay macallimiin badan ayaa tababar loo sameeyay. Tusaale, School of Politics and Administration (1950), the Higher Institute of Economics and Law (1954), the School of Islamic Studies, the Scuola Magistrale, and the University Institute (oo loo beddelay Jaamacadda UmaddaSomali).
Waxbarashada maadiga ah waxa ay la billaabatay gumeystaha iyadoo Soomaalidu gacan ka gaysteen wanaajinteeda.
Waayadii gumeysiga ka dib
Waayahaan iyo waxbarashada Soomaaliya waxaa ay wajahday seddex caqabad oo waaweyn:
1. Sidii loo mideyn lahaa nidaamka waxbarasho ee dalka ka jiray hal nidaamna loo hoos keeni lahaa.
2. Sida loo xaqeejin lahaa helidda adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo macallimiin tayo leh.
3. Sidii loo maamulihi lahaa waxbarashada iyoo hal nidaam la hoos keenayo.
1960 ka dib, wasaaradda waxbarashada waxa ay qaaday tillaabooyin ay ku xallinayso arrimahaas. Waxa ay samaysay nidaam waxbarasho oo loo dhanyahay. 4 sano oo dugsi hoose ah iyo 4 dugsi dhexe ah. Luqadda waxbarashaduna waxa laga dhigay luqadda Ingiriiska.
Sida taariikhdu weriso, xilligii dowladdii Askarta ayaa ahaa xilliga ugu fiican waxbarashada Soomaaliya. 1972 ayaa waxa la qoray farta Soomaaliga taasoo noqotay luqadda waxbarashada waddanka. Sanadihii xigayna waxa la qaaday Ololihii Horumarinta reer miyiga oo tiro badan oo lagu baray akhriska iyo qoraalka farta dhowaangalka ahayd. Xilliyadan, waxbarashad Soomaaliya waxa ay noqotay mararka ay ugu fiicanayd taariikhda ebid. Sidaas ayay ku socotay ilaa daciifiddii iyo dhiciddii dowladdii Meleteriga. Wixii ka danbeeyay dhicidda dowladdaas waxbarashadii god ayay ku uruurtay, waase laga gaarsiiyay oo, gacan ayaan loo taagay waana tan aan hadda ku waxbaranayno.
Waayihii gumeysiga
Ujeeddooyinka gumeysiga waxaa qayb ka ahayd faafinta Kirishtaameynta iyo in bulshada la gumeysto, lagana saaro diintooda iyo waxa ay rumeysanyihiin. Gumeystihii waddanka u soo sadcaalay qarnigii 19aad waxa uu lahaa dano kala duwan. Tan faafinta wax diinta lid ku ah ayaa qayb ka ahayd, si uu u fuliyana waxa uu billaabay in uu furo iskuullo waxbarasho uu isagu dan ka lahaa. Gumeystihii Ingiriiska ayaa isku dayay furista iskuullo hoose magaalooyinka Berbera, Buullaxaar, iyo Saylac, waxaase arrinkaa gaashaanka u duruuray dadkii deegaanka oo ka dheregsanaa jeedafka uu arrinkan ka leeyahay gumeystuhu. Ingiriisku wuxuu isku dayay in uu xeelado kale adeegsado si uu uga dhex dusiyo arrinkiisa. Wedaadadii deegaanka ayuu u ogolaaday in ay samaystaan madarasado yaryar luqadda Carabigana wax lagu barto isagoo kaalmona ku siiyay. 1936 ayaa la furay iskuulki Macallin Jaamac, waxaana wax lagu baran jiray luqadda Carabiga. Dagaalki 2aad adduunka ka dib ayay waxbarashada Soomaaliya horumar samaysay, iyadoo Talyaaniga xilligiisi waxbarashada la hoosaasinayay, dadkana aan loo ogoleyn waxbarasho.
Dhanka Koonfureed ee waddanka, Talyaaniga oo xukumayay waxa uu aasaasay iskuullo dhexe oo aan aad u tira badnayn. 1941—50 oo uu Ingiriisku Koonfur iyo Woqooyiba isku haystay ayuu dhanka Koonfureed ka hirgeliyay iskuullo. 1949 ayaa la furay iskuulki ugu horreeyay oo gabdho dhigtaan. Dugsigii sare ugu horreeyayna milayadaas ayaa dedaal ay bixiyeen Soomaalidu lagu furay. Waxbarashada xilliyada gumeystuhu waxa ay ahayd mid aan tayo badan lahayn macallimiinta oo yareyd, dadka daneeyana waa ay yaraayeen. Inta badan waxaa u badnaa dadka gumeystaha la shaqeysanayay iyo dad la rabay xilliyadii danbe in loo tababaro la wareegidda howsha xoryadda ka dib.
Xilligii Maxmiyadda ayaa ahaa waayaha gumeysiga tan ugu roon. Iskuullo badan oo isugu jira kuwa farsamo iyo aqoonta sayniska ah ayaa la furay macallimiin badan ayaa tababar loo sameeyay. Tusaale, School of Politics and Administration (1950), the Higher Institute of Economics and Law (1954), the School of Islamic Studies, the Scuola Magistrale, and the University Institute (oo loo beddelay Jaamacadda UmaddaSomali). Waxbarashada maadiga ah waxa ay la billaabatay gumeystaha iyadoo Soomaalidu gacan ka gaysteen horumarinteeda.
Cali Xuseen Axmed