Arradu waa jiilaal omos ah. Dhulka meel Alle keena booraa ka sus leh. Eriga inta hoomada ah guriga ayaa lagu shubaa, inta cagtoodu dhulka qabatana ceelkaa isbuucii laba jeer loo arooriyaa. Reerku hal rati ayuu haystaa, isagana waala seddex qadiyaa. Labadii beer ee reerku tacban jiray mid ayaan sanadkan rejo laga qabin in abuur lagu rido, sababtoo ah 4 roob oo isxigxiga ayaa la tacbaa. Waa in mid cusub la geedqaadaa. Xaggeen ka billaabaa geedqaadka cusub? Jilqabkii abkoow Xamuud ayaan ka billaabaa.
Waa xilliyadii roobku di' jiray ama waa soo dhowyahay, oo waxaa laga garan karaa geednugeylka iyo Huyunka. Fiid ayay wada leeyihiin iyo fiix yar. Shalay ayaan tuulada aaday oo aan soo bajistay gerweynti iyo dhooshii yareyd. Hiiradaan, waxaan u qalabqaadan rabaa in aan geedqaad cusub billaabo. Geedqaadkan, waxaan rabaa in uu noqdo mid 4 suus oo digir ah lagu abuuri karo. Dhegtii koowaad ayaan billaabay. Laba goob ayaan gelshay. Subax Alle keeno halkan ayaan aniga iyo habartuba u soo hiiraysannaa. Anigu geedaha jiridda weyn, kuwa meel dhexaadka ah iyo kuwa xididdada badan sida Dhiigtaarka ayaan falaa, islaantuna arfuujinta iyo gubista qashinka ayay qaabilsantahay. Howsha aad ayaa la isula fahmayaa, oo qof walba dhankeeda waa ka waddaa.
Galabta ayaan dhegtii aan ka billaabay beerta ku soo xiray middeedi kale. Irid yar iyo dhacanti la saari lahaana waa isku soo habeeyay. Abuur iyo in roob ku da'o ayaa uga dhimman in dhamcaso, jalow, sabuul iyo qare loogu yimaado meeshii shalay jiqda ciganka ahayd. Waahiirkii ayaan igaarkii ilmaha u weynaa soo kiciyay, oo ku dhahay, "orod beerta sii lumey hoomadaan biyo soo siinaa, kaddibna abuur ayaan kaa daba keenaahe". Beertii abuur ayaan afkuu geliyay diir iyo meseggo leh. Waxsoosaar fiican in laga Helena Eebbe ayaan ka tuugay. Galabta waa galab Eebbehey, roob ayaa afarta gaar isasoo xiray. Gugac iyo biriq hillaacaysa ayaa ku indhawalleyhaysa. Waa 2:30PM, roobkuna afarta dhinac ayuu wada qabsan rabaa: Koofur, waqooyi, qorraxdhac waa wada qabsaday, barina saymman ayaa u sii socda. Annaka, kan waqooyi ka muuqda ayaan rejo ka leenahay in uu noo da'o, maadaama xilligu gu' yahay. Waa 4:00PM, yoonka yeeraayo, waxaad mooddaa diyaarad dushaada maraysa guuxeeda. Waa tan raxmaddii Rabbi dhulka biya gelisay. Bac iyo seref waxaan qabnay ayaan doogannay oo biyo noo galeen. Waa la qabowsaday, galabtadii hore qorya lama soo gurin, arrana waa qoyday oo qoryo la shito lama haysto, dabki xitaa waa duugmay. Mooradii eriga biyaa ka buuxsamay. Taloow cawada intee lagu gaysayhaa eriga! Haddii roob noo da'ay inta kale waa iska hagaageehe, bal aan reer Cabdulle deb noo soo warsado.
4 maalin kaddib waa tan beerti laba dhegood iyo meseggadiiyood mooddo cirbad soo bexeen. Hadda iyo howl kale. Hunburuq, shiliq, daanguur iyo abkay shinbir celis ayay kaa rabaan. Isbuucyo kaddibna waa kan jaankii diirti iyo meseggadi qarin rabyo. Hadda iyo limis. Beer 4 suus lagu abuuray dheeldheel lagu ma limi karo, ciddina waa tii riibibax aaddaye, waa in goob la raadiyaa. Labada wiil ee dugsileyda ahna waa in aan subaxdi hore mid walba qool u gooyaa, kaan ka soo dhammeynna badar leef u sii maa. Jibaal ayaan laba maalin ku soo limmay, waxna sigaag malehe, aan eedda Carabo u tago si aan goob u geliyo beerta. Waa ku dhammeeyay limiddii. Waxaan sugaaba waa iyadoo fiid leh, miliq ku xijisa, dhamcasa soosaarata, jalow isu beddesha, kaddibna aan soo guro ee sukulo, oo aan fuustooyin la dhigto si aan jiilaalka u cunno. Meseggadana sidoo kale, waxa laga sugaaba waa sabuul, mirihiiyoo caanoole ah, kaddibna adkaado oo la soo gooyo, la sukulo (goob iyo gacanba), fuustooyin lala dhigo.