Kaalmeyn mise kalagoyn?

 Kaalmeyn mise kalagoyn? 


“la guddaafadee dhaqashadii loo gayoon jiraye

Dadkii waxay doorbideen ha’adddaa gudhane

Ka goblame bulshadu inay fashaan dalaggi guuskiye”

Maxamed Cismaan  Budin


Cunno yarida caalamka ka jirta waxa ay keentay in la aasaaso ha’ado caalami ah oo kaalmo u aruuriya dadka ay saameysay cunna yaridaas. Waa arrin insaannimo leh in la isu gurmado, oo waxa la isdheeryahay la isku kaalmeeyo; hase ahaatee kaalmadaas waxa ay keentay ama jeedafkuba ahaa in lagu dhufaano dhaqaalaha caalamka. Maxaan uga jeedaa arrinkaas? Dambisa Moya oo ah qoraaga buugga “ Dead Aid: Why Aid is not working” ayaa leh, “kaalmada la siiyo Afrika ma ahan mid looga danleeyahay in lagu caawiyo e, waa in lagu cunaqabateeyo dhaqaalaha qaaradda”. Sidee caawinaadda la siiyo waddan u noqon kartaa cunaqbateyn dhaqaale? Su’aashan ayaan qormadan kaga jawaabi doonnaa, innaga oo ka fiirin doonna qaybta (sector) waxsoosaarka beeraha.


Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa la isku waafaqay in uu yahay mid ku tiirsanaa waxsoosaar gudeed ka hor 1991. Wixii ka danbeeyay (1991) waxaa dhankale isu rogay hab-nololeedkii bulshada. Waxaa la galay sanado suluf colaadeed leh. Irdhow iyo argagax ayaa ummaddii ku dhacay. Ha’adaha ujeedkoodu ka durugsanyahay waxa ay sheeganayaan in ay ka shaqeeyaan ayaa dalka xarummo ka furtay. Howlohoodi dhabta ka ahaa iyo kuwii ay dadka ku beerlaxowsanayeen ayay sii wateen. Waxsoosaarki beeraha ayaa istaagay. Xarumo barakcyaal ayay duleedka magaalada ka sameeyeen, iyagoo dadka waxyar oo cad quureed ah siinaya. Xarumaha qaxootiga ee cirifyada magaalada ku yaal dadka ku jira, 70% wax ka badan ayaa ah dadkii beeralayda ahaa. Dadkaas waxaa la siiyaa galley ku abaarasuufeysatay keydadka badarka ee Mareykanka iyo Yurub. Sida Dambisa Moya sheegtay, kaalmada Afrika la siiyo waa mid dhaawacaysa qabka qofka iyo qarannimadiisa. 

Ma ahan wax qarsoon, in kaalmada ay nala dabajoogaan waddannadu naxariis iyo beernugeyl ka wada ahayne, waa dilidda dadnimada Soomaaliya. Aan isweydiinno, galleyda intaas oo KM la soo marsiiyo laga ma beeri kara waddanka gudihiisa, oo sidaas dadka lagu ma gaarsiin karo miyaa? Waa la yeeli karaa, waxaase meesha ku jirta haddii aan wax tacbanno waxaa koraya dhaqaalaha qoysaskii beeralayda ahaa, haddii dhaqaalahoodu korana kan waddanka ayaa koraya sidaasna waxaa ku soo baxaya waddan dhaqaala ahaan isku filan, oo dadkiisu ku noolyihiin xaalad iskufilnaasho cunto (Food Sufficient). 

Ha’adaha kaalmada bixiya gobollada ugu badan ee ay ka howlgalaan ama xafiisyada ugu badan ku leeyihiin waa gobollada juquraafi ahaan waxsoosaarka ku caan baxay. 18-ka gobo ee waddanka 11 ka mid ah ayaa waxsoosaar beereed aad ugu fiican, 11-kaas gobol aan 3 ilaa 5 ha’ad ka howlgelinna ma jiro. Taasi micneheedu waa in la dhufaanayo ciddii dalkan waxsoosaarkiisa qaybta lixaadka leh ka qaadan lahayd. Laba Cali isweydiin mayso in arrinkanu yahay dhufaanid dhaqaale, waayo lacagta kaalmada ee mudda 50 sano ah Afrika ku baxday waxa ay ku seddex jibbaarantaa lacagta 5 sano (1948-52) Yurub Mareykanku ku caawiyay, oo muddadaas kaga maarantahay kaalmo kale. Haddaba, gargaarka na la siiyo waa mid luggooyo, ee ma ahan la rabo in wax lagu saxo.

Madaxwareerka ku dhacay maamulka Soomaaliya, ayaa sabab u ah in wixii qofka Soomaaliga ah ka sarrigan jiray, uu maanta meel kasta la taaganyahay. ADDUUNKU HA NAGA SOO GAARO! Dhanka kale, Afrikadu waa ku faantaa dawersiga iyo in ay adduunyada tuugsato, gudaha dalkoodana ku faanto wixii ay soo tuugsadeen. Waa maangurracan iyo garasho jaan! 


W/Q: Cali Xuseen Axmed, qoraaga buugga Sooyaalka Beeraha Soomaaliya


Previous Post Next Post