Buug koobis



"There can be no life without soil and no soil without life: They have evolved together".
Charless E. Kollegg

Cows save the planet waxa uu ka mid yahay waxsoosaarka Judith D. Schwartz. Buuggu wuxuu si cilmiyaysan u iftiiminayaa muhiimmadda carrada iyo sida ay dayac u tahay. Waxaa kale oo uu caddeynayaa dhibaatooyinka carrada ragaadiyay in ay qaar (dhibaatooyin) leh ka dhasheen—isbeddelka cimillada.
Carrada waxaa lagu tiriyaa in ay ugu horreyso tiirarka nolosha iyo waxa jiritaanka nolosha qayb weyn ka ah. Marka laga yimaad in carrada lagu dul tacbado dhirta la quuto, oo deegaan ahaan loo dhisto, waxa ay hooy u tahay malaayiin noole ah kuwaas oo qayb weyn ku leh ilaalinta deegaanka iyo joogteynta isla-egyada deegaaneed.

Dhibaato wal oo ku timaada carrada ama loo geysto waxa ay dhaawac muuqdo ku samaynaysaa dadka iyo duunyada ku dul nool, waana sababta Judith D. Schwartz iyo dadyow kale uga dhiidhiyaan in la ilaaliyo carrada. Si nolosha dad wax badan loo ilaaliyo, waa in loo dhowraa isha ay nolosha ka soosaartaan. Haddii taasi dhici weyso waa iyadoo nolosha la is dhaafiyay. Franklin D. Roosevelt ayaa laga hayaa in u dhow weertan mar uu yiri, "A nation that destroys its soil destroys itself". "Waddankii carradii burburiya isaga ayaa is burburiyay".

Judith D. Schwartz waxa ay buuggeedan ku soo gudbinaysaa waxa ay kaga dhigantahay digada carrada haraadiga noolayaasha kale, sida digada lo'da. Waxa kale oo ay tooshka ku ifinaysaa dhimashada ku socota carrada, jarista dhirta, adeegsiga aan habbooneyn, daaqa xad-dhaafka ah... "Carrada baaba'san ee dhulalka qallalan ma lahan awood ay ku keydiso KAARBOONKA; si kastaba carradu waxa ay noqonaysaa mid KAARBOONAYSAN oo ka qayb qaadata isbeddelka cimillada... haddii 1 Yard oo dhulka ka mid ah, geedaha laga jaro ama daboolka sare laga qaado carradu waa kululaanaysaa, Microclimate-kuna waa isbeddelayaan".

Si kastaba, Judith D. Schwartz waxa ay buuggeedan Cows Save The Planet ku soo gudbinaysaa ilaalinta carrada, sare u qaadidda nafaqadeeda iyo ka fekeridda dhibaatooyinka ka dhalanaya cilladeynta carrada. 
Previous Post Next Post