KACDOONKII CAGAARNAA.

 


https://www.google.com/url?sa=i&url=https%3A%2F%2Fwww.marxist.com%2Fgmo-human-need-corporate-greed.htm&psig=AOvVaw017-7QXI_rXXOuwbaPt6XL&ust=1693889118185000&source=images&cd=vfe&opi=89978449&ved=0CBIQjhxqFwoTCOiv3OySkIEDFQAAAAAdAAAAABAE

Heerka tiknoolojiyadeed ee adduunku gaaray waa mid si weyn looga abdaystay, dowladuhuna ay ku tartamaan sara-uqaadidda heerkooda tiknoolojiyadeed. Dhanka kale, waxaa jirta qayladhaan looga soo horjeedo isticmaalka qayb ka mid ah tiknoolojiyadda casriga ah. Tan ayaa timid kaddib markii ay soo ifbexeen xaalado dadka, deegaanka iyo duunyada noolba khatar ku ah noloshooda.


Bartamihii qarnigii tegay waxaa jiray kacdoon loogu magacdaray KACDOONKII CAGAARNAA. Kacdoonkan ayaa ku billowday cilmibaaris iyo horumarinta beeraha, waxaana hormuud ka ahaa Norman Borlaug. Kacdoonkan ayaa dhaliyay in la adeegsado tiknoolojiyad heersarreysa, oo wax looga beddelayo dalagyada la tacbado. Waxaa looga gol lahaa in la soo saaro dalagyo waxsoosaar sare leh, aafooyinka iska caabbin kara I.WM. si loo gaaro yoolkaas, waxaa lagu qasbanaaday in la adeegsado farsamo hiddasidayaasha dhirta wax looga beddelayo, ama looga saarayo mid aan loo baahnayn. Waxaa la sameeyay wax loo yaqaan GM Foods, oo ka yimid dalagyo la beddelay hiddasidayaashoodi (Genetic modificated Foods). Dalagyadan la wax laga beddelay hiddasidayaashooda, si cudur jira daawo loogu helo ama waxsoosaarkiisa loo koriyo waxa ay ahaayeen kuwo aad loo soo dhoweeyay, oo tacab lagula qumay.

Isbeddel kasta oo la sameeyo, waxna waa looga abdaysan karaa, dhibna waa laga la kulmi karaa. Arrinka hidda beddelidda dhirta (genetically modification) waxa uu noqday mid waxtar u leh shucuubta caalamka, waxse gadaal laga ogaaday khatarta caafimaad ee dabada ku wato, aidaas darteed wadammada caalamka qaarkood waa ay yareeyeen, qaarna waa ay joojiyeen gebi ahaanba. 2010, wadahadallo sagaal sano qaatay oo u dhexeeyay Suuqa guud ee Afrikada Bare iyo gan Koofureed ayaa lagu saxiixay siyaasadda dalagyada hidda ahaan wax laga beddelay. Waxyaalaha lagu qeexay sharcigaas waxaa ugu muhiimsanaa in dalagyada dhalanragan ay qiimeeyaan guddiga COMESA, haddii uu waafaqo habraaca lagu heshiiyay in bulshada loo fasaxo haddii kalena la celiyo. Xeerkan waxyaalihii hor istaagay waxaa ugu weyn baahida cunto ee dadka Afrikaanku u baahnaayeen. Waxaase jirta in waddanka Burkina Faso ay aasaaseen ha'ad ilaalisa deegaanka; isla markaana ay yareeyeen xaddigi dalagyada dhalanrogan ee waddanka imaanayay. 2005, wasiirki beeraha ee waddanka Zambia ayaa ku adkeystay in uu xayiraad dhamaystiran saaro dalagyada hidda ahaan beddelan ee dalka la soo geliyo. Waxa uuna yiri, "ma rabno dalagyada (genegically modified) ah, rejedeenuna waxay tahay in aan soosaarano cunto aan GM ahayn". Hindiya iyo China oo ah labada waddan ee ugu soosaarka badan cuntada GM-ga ah iyana waxa ah ay sameeyeen cilmibaarisyo. Sidoo kale, waxay sameeyeen ha'ado ku shaqa leh xaddidaadda dalagyadan, iyadoo la baarayo heerka (GM food content) ee ku jirta waxsoosaarka dalaggaas.

Heerka mucaaradnimo ee farsamooyinka Bioengineering, Biotechnology waxa uu noqday mid shaac ah, laakin waxbadan laga ma qaban baahida la qabay ama la qabo oo aad u badan. Waxaa jira waddammo gebi ahaanba ka mamnuucay waddankooda wax GM Food ah iyo kuwa qayb ahaan oggolaaday. 2012, Midowga Yurub ayaa ansixiyay isticmaalka 48 dalag oo Genetically Modified ah, kuwaas oo u badan calafka xoolaha. Wadammada Faransiiska, Hungary, Bulgaria iyo Jarmalka ayaa sanadihii 200 ilaa 2013 ka soosaaray xeerar kala duwan, iyadoo wadammadan qaarkood ay mamnuuceen in waddanka wax GM Foods ah waddanka la soo geliyo.
Previous Post Next Post