https://www.google.com/search?
Isdhexgalka dhaqamada iyo ilbaxnimooyinku waa wax aynu maanta u joogno sida ay adduunka ugu shaacsantahay. Isku milankaas qaybo shucuubta ka mid ah waa u faaiido, qayb kalena waa u baadinimo oo waxaa ku dhacaya ISWAAYID (Identity crisis). Sida ay isu doorriyaan waa sida ay u kala awood badanyihiin oo la micna ah; dhaqankasta waxaa horumariya, kana dhiga mid dadyow badan jeclaystaan dadkiisa. Haddii intaas laga waayo waa ay ambanaysaa ummadaas–natiijadaasna hadda ayaan u joognaa. Dhaqankuna dhowrid ayuu u baahanyahay, sida nooluhu ugu baahanyahay xannaano. Tabarta uu mid (dhaqan) ku shiiqiyo mid (dhaqan) kale waxa ay ku xirantahay inta ay bulshada dhaqankaas (shiiqiyaha) naaxiyaan.
Dhaqan-burbur ku dhaca bulsho waa u hoog iyo habaar aan la mahadin. Waayo, qofku haddii uu waayo wixii uu dhaqan u lahaa waa uu qiima tirmayaa. Nolosha ayaan macno u samayneynin.
Wax badan kolka aad u fiirsato, waddannada Dunida Seddexaad lagu tiriyo waa kuwa badankoodu dhaqan-burburay. Waxaa ku dhacay dhaqanguur, markaas ayaysan waxsoosaarkoodi, qiyamkoodi iyo wax alla ay lahaayeen la noqdeen badawnimo. Waa ayaandarrada haysata dowladahaas iyo shucuubtooda.
Meel weyn ayuu dhaqanku kaga jiraa dowlad dhiska iyo dibuhagaajinta waddanka. Wuxuu kaalin muuqata ku leeyahay (dhaqanku) is-haysadka bulshada iyo is-haybsashadooda. Si loo dhiso bulsho ilbax ah, dhaqankeeda anuugga ah ku dhaadata, diinteedana dhab u haysata, waa in la howl geliyaa ha'adaha ku howl leh arrinkaa oo tan waxbarashadu ugu horreyso. Halkaa ayaa la unki karaa ummad wada socota, oohalmar jaanta isla hesha.