Abaaraha Soomaaliya iyo aafada ka danbeysa


Seddex ayaa wadammada loo qaybiyaa marka biyo laga warramayo: wadammo biyo badan leh, awood dhaqaala na leh, wadammo biyo yari ka jirto, awood dhaqaale se leh iyo wadammo aan biyo lahayn, awoodooda dhaqaale na hooseyso. 


Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadammada biyo yaridu sida dabiiciga ah ka jirto oo ay la wadaagto wadammo badan, taas waxaa u dheer awood yari dhaqaalo iyo maamul xumo. Sidoo kale Soomaaliya waa waddan dhaqaalihiisu biyaha ku xiranyahay, halka waddannada qaar ay ganacsi iyo wershado ku xiranyahay dhaqaalohodu. Biyo yarida sida dabiiciga uga jirta geyiga Soomaaliya waxaa u dheer biyo-xireennada ay Itoobiya ka dhisanayso webiyada Jubba iyo Shabeelle oo ah (isha Soomaaliya biyaha ka hesho) iyo isbeddelka cimillada. Biyaha webiyada Soomaaliya waxa ay ka yimaadaan dhulka Itoobiya, Soomaaliya na waa waddan dhul ahaan ka hooseeya Itoobiya; sidaas darteed biyo-xireennada ay Itoobiya dhisatay waxa ay keeneen sii xumaanshiyaha heledda biyo ku filan iyo qallalidda webiga sannado badan, oo ixig-xiga. Soo noq-noqoshada abaaraha waxaa kow ka ah biyo-xireennadaas iyo isbeddelka cimillada, waxaase ka daran sida la saadaalinayo in Soomaaliya biyo la'aan ka dhici doonto mustaqbalka dhow. Daraasadihii la sameeyay 1990s waxa ay sheegeen in webiga Shabeelle qallali doono, abaaro joogta ahna geyiga ku dhifan doonaan. Hadda waxaa la saadaalinayaa in webiga Shabeelle laba mid noqon doono mustaqbalka dhow: in uu gebi ahaanba qallalo ama in uu soo daayo biyo aan xadkiisa ka badan. 

Waddamada wadaago webiyada Jubba iyo Shabeelle ma aysan saxiixin xeerka caalamiga ah ee biyaha, taasina waa sababta keenta in waddanka sarreeyo uu dhistay dhawr biyo-xireen iyo kanaallo waraab. Sidoo kale na la qorsheeyay tiro intaa ka badan. 

Qorshaha Itoobiya ee webiga Shabeelle markii lala barbar dhigo awoodda biyaha webiga waxaa laba goor ka badan biyaha ay qorsheysay dowladda Itoobiya in ay u isticmaasho koronto ka dhalin iyo waraab beer. Micneheedu waxaa waaye, Soomaaliya webiga Shabeelle ma isticmaali doonto. 
Previous Post Next Post