Waa xilli barwaaqo ah oo roobabka gugu si simman waddanka kaga curteen, waxa aan joogaa magaalada Janaale. Waxa aan agaasime guud ka ahay Wakaaladda Muuska Soomaaliyeed, oo runtii isbeddel weyn ka sameysay korukaca dhaqaalaha waddanka sannadihii danbe. Waxaa maalinkaa xafiiskeyga igu soo booqday nin aan saaxiibo ahayn oo isna madax ka ah wershad ka shaqaysa abuurka dalagyada waddanka, isla markaana soo saarta abuur cusub oo tayaysan. Maalin ka hor ayay ahayd markii aan isla xafiiskaan ku qaabilay saaxibkey aan isbarannay xilligii aan masterka aan diyaarinayay oo isna madax ka ah wershad kale oo ka shaqaysa dhammaan wixii cereals waddanka ka baxa.
Aad baan u faraxsanahay, in saaxibkey saaka ila joogo oo uu igala hadlayo abuur cusub oo suuf ah oo ay dhowaan soo bandhigi doonaan; maadaama, wershaddii dharka ee Balcad tayactir casri ah lagu sameeyay diyaarna ay u tahay, in ay daboosho baahida dhareed ee Geeska Afrika. Waa waa cusub oo noo baryay. Aniga iyo isaguna waxa aan kaga mahadcelinaynaa Alle ka sukoow dowladda waddanka maamusho oo mas'uuliyad weyn iska saartay in ay maalgashi u sameyso dhulkeeda.
Xilligan waddanka waxa ka jira in ka badan 7 wershadood oo ka shaqeeya tacabka beeraha, xoolaha nool, kalluunka iyo soo saarista macdanta dhulka hoostiisa ku jirta. Waxaa intaa dheer shirkadaha maalgashiga weyn ku samaysanaya waddanka iyo dadka 20,000 gaaraya ee sida tooska ah wershadahaas kaga shaqeeya iyo wax ku dhow 10 kun oo si kale uga howl gala wershadahaaas. Arrinka kale ee xusidda mudan ayaa ah, in waddanka ay ka jirto hal dowlad dhexe oo ay ka go'do talada ugu sarreysa ee waddanka iyo maamullo dowladda dhexe hoostaga oo adeegyada asaasiga ah gaarsiiya gobollada, shirkadaha ajaanibka ah ee ka howl gala gobolladana ku kurmeera howshooda oo si toos ah ugu xira ha'adaha dowladda dhexe.
Aniga iyo saaxibkey waa ay innoo bexaysaa. Mar aan is tusno mustaqbalkeenna dhow iyo mar aan dib ugu noqonno halkii aan ka nimid ee aan Alle u mahad naqno iyo intii garatay in aan dunida la tartanno ayaan ka dhammaa weynnay. Anigu markaa waxa aan gacanta ku la jiray oo aan diiwaanka computer-keyga ku shubtay xogta 17 ton oo muus ah oo aan 2dii bil ee hore u kala dirnay qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Xaddiga ka soo xarooday ee qasnadda dowladda ku dhacay ayaa aad ii cajab geliyay. Mar ayaan ka fekerayaa, maxaadan 20 ton u gaarsiin si' numberka lacagta ka soo xarooto isu beddesho? Se saaxibkey oo ka shaqeeysa abuurka iyo horumarintiisa ayaa ii sheegay in ay soo wadaan isaga iyo saaxiibada kala shaqeeya horumarinta abuurka, abuur ka heer sarreeya kan kana wax dhali og. Kartidiisa iyo aqoontiisa ayaan aad ugu kalsoonahay, taas ayaana keentay in aan ku qanco.
Marka laga yimaado in waddanku iska dhamaystiray kaabayaasha dhaqaale, waxaa isbeddel aad ka yaabto laga sameeyay xagga waxbarashada. Aqoonyahanno dunida magac ku leh oo Soomaali iyo ajaanibba leh ayaa wax ka dhiga iskuullada. Jaamacadaha waddanka mid kasta waxaa u dhamaystiran adeeggii waxbarasho ee looga baahnaa ha'ad waxbarasho. Ardayda ka soo baxa iskuullada waddanka waxa aqoontoodu ka sarreysaa ardayda ka soo baxa wadannada Afrika oo dhan. Sannad kasta, 10,000 arday, oo ka kala yimid adduun weynaha ayaa jaamacadaha waddanka waxbarasho u soo doonta.
Magaalooyinka Muqdiaho, Kismaanyo, Baydhabo, Beledweyne, Hargaysa, Boosaaso, Garoowe, Gaalkacyo, Jawhar, Marko, Baraawe, Garbahaaarrey, Beled Xaawa, Berbera iyo dhammaan magaalooyinkii muhiimka ahaa xilliyadii dib-u-dhaca aan ku jirnay waxa ka dhisan madaarro waaweyn, oo la mid ah kuwa caalamka. Maalin kastana diyaarado aan tira lahayn ayaa ka soo dega, qaarna waa ay ka duulaan. Isbitaallada waddanka waxa ay ku jiraan kuwa ugu sarreeya caalamka xagga adeegga caafimaad. Korontada iyo biyaha dadka si bilaash ah ayay guryaha ugu jiraan. Faqiir iyo taajirna si isku mid ah ayay u isticmaalaan.
------------------
Jawiga noocaan ah, aniga oo ku jira ayaa Alarm-ga telefoonku soo dhacay oo 3:00 Am iigu beegnaa! Alla maxaan riyo ahayd! Fun noqotana waan ku rejo weynahay.