Buug koobis

Buugga The Death Of the West waxaa qoray Patrik J. Buchanan. patrik marna weriye ayuu ahaa marna waxa uu la taliye u ahaa dhowr madaxweyne Mareykan. Buugga The Death of the West waxa uu ku sheegayaa burburka ku yimid Galbeedka dhaqan ahaan, diin ahaan, mooraal ahaan iyo sinji ahaanba. Waxa uu leeyahay, "taariikhda lagu ma arag in isbeddel caynkaan ah waddan ku dhoco mudda sidaas u yar" sidoo kale waxa uu yiri Patrik, "dadka soo galootiga oo aan lahayn wax kaantaroola waxa ay burburiyeen waddanki aan ku soo kornay waxa ayna Ameerika u beddeleen goob kooxo dadka isku uruursadeen, kuwaas oo aan lahayn wax ka dhexeeye—diin, luqad, dhaqan, akhlaaqiyaad iyo jinsi"  qoraagu waxa uu sidoo kale buugga ku sheegayaa sida ay siyaasad ahaan u kala qaybsameen reer Galbeedku iyo saameynta laga dhaxlay. 


Images may be subject to copyright. Learn More

Burburka galbeed ee uu ka warramayo Patrik kaliya ma ahan dhaqanka iyo diimaha ku badanaya e, waxa uu leeyahay waxaa mardhow lala wareegi doonaa wadammo badan oo Yurub iyo Amerika ah. Waxa uu leeyahay "dad badan oo Mareykan dhalad ah ayaa maanta ku  dareemaya Mareykan dhexdiisa sida in ay soogalooti yihiin. Waxaa meesha laga saaray astaamihii geesiyaasheenni, maalmihii aan dabbaaldegi jirnay iyo dhaqammo badan oo Ameerikaanka dhalad ah lahaayeen". 


Baaba'a Galbeedka waa mid muuqda kolka laga eego baabi'ii ku yimid Roomaankii iyo ilbaxnimooyinkii hore oo idil. Buuggaanna waa uu ku sheegayaa wax uu ugu yeeray (Culture death).  Endangered Species waa mid ka mid ah cinwaannada uu aad kaga warramayo dhimashada Galbeedka. Waxa uu leeyahay waxaa sii dabar go'aya dadkii dhaladka ahaa iyada oo ay beddelayaan dad soo haajiray. Taasina waxa keenay ayuu leeyahay 'Galbeedka oo yareeyay tarankiisii dumarkina guryaha ka saaray'.

Previous Post Next Post