Buug koobis

RECLAIM YOUR HEART


Buugga Reclaim your Heart ee ay qortay Yasmin Mugahed waa buug aan laga ahaan karin joogteynta akhriskiisa. Buuggan waxa uu ka koobanyahay 6 qaybood, oo leh cinwaan hoosaadyo tira ah. Buuggu waxa uu ka warramayaa ama kaala hadlayaa xalaaddaada gudeed iyo sidii aad dabiib ugu heli lahayd. 



IRC BOOK REVIEW: RECLAIM YOUR HEART

Qaybta ugu horreysa waxa lagaga hadlay isasiinta adduunka iyo dhibta laga la kulmo. Su'aal ayay soo qaadanaysaa Yasmin (qoraagga Buugga) ay gabari weydiisay: Maxay dadku u kala tagaan? 

Waxaa dhacda in aan aad u murugoonno, werwer iyo kalinimo aan dareenno kolka qof naga tago. Dhanka kale farxadda ayaa naga guurta, marka aynu weyno ama ay naga lummaan wax agteenna qaali ku ah. Dhibtu wax kale ma ahan, dadku waxa ay qalbigooda ku weyneeyeen wax aan jiritaankoodu ahayn mid sii jiraya. Guryaha, awlaadda, sawirrada iyo maalmo qurux badan oo na soo maray ayaa nagu weyn. Taasi waxa ay keentay kolka aan weyno waxaa in aan muruq iyo moraara dillaac la catawnno. Ma ahan waxaasi oo dhan in ay nagu weynaadaan. Ma ahan in ay hadaf noo noqdaan—hadafkeenna ugu danbeeya. 


Alle ayaa leh "Qofki xumaha diida Alle na rumeeya waxa uu qabsaday kan loogu aammin qabo, laas oo aan ballan ka bixin". 2:256.

Isla qaybtan, waxa ay isweydiinaysaa Yasmin, dadku waa kala tagaane, maxay isugu soo noqon la'yihiin? Alle wax kaama qaado ilaa wax ka kheyr badan ayuu kuugu beddelaa sida Xadiiska Rasuulku ahaa, "Wax iska ma dhaafeysid Alle dartii, ilaa wax ka wanaag badan ayuu Alle kuugu beddela".  Alle SWT wax buu kaa qaadayaa zi'uu wax kuugu beddelo. Waxaa se muhiim ah in aad fahamto in siinta Alle aysan ahayn si' aad fahmi karto. "Waxaa laga yaabaa wax aad necbaysanayso in wanaag kuugu jiro, wax aad jecleysanaysana dhib kuugu suganyahay". 2:216.


Qaybta labaad ee buuggu waxaa uu ka hadlayaa qalbiga qofka iyo cidda ay tahay in uu ku xabbiso qalbigiisaas. Sheeko cibra leh ayay soo qaadanaysaa gabadha buugga qortay, oo ay cinwaan kaga dhigtay "Ka baxsashadii xabsigii xumaa". Isla qaybtaan ayay jaceylka iyo waxa laga rabo qofka wax dunawi ah jeclaanayo kaga warramaysaa.


"Waxa aad oor bidaysaa tii dhammaanaysay, (worldly Life) halka tii baaqi ahaanaysay ay ka wanaagsantahay kana jiri ogtahay". 


Qaybta seddexaad ee buuggu, waxa ay xoogga saareysaa haddimooyinka soo wajaha qofka nool iyo siyaalaha uu u gegsan karo mashaakilkaas. Xalka meel kale kama aysan raadin, oo ciida loo gurmad wacdaa xilliyada adag waa Abuuraha weyn (Alle swt). Cidda la gargaarsado xilliyada adag waa Alle iyo maalmaha farxaddana loo mahadnaqo. 

"Wax ku adag Alle ma jiraan haddii aad weydiisato, wax u fududna ma.jiraan naftaada haddii aad weydiisato". Al-Sakandaari.

 Iau turidda iyo adduun aragga ayuu qayba ka mid isla cutubkaan ku soo qaadatay gabadhu.


Qaybtan afaraadna xiriirka Alle iyo sida ay gahay in loo joogteeyo, oo ay salaaddu ugu horreyso ayay noogu soo gudbisay. Waxa ay leedahay, " Salaaddu kuma xirna nolosheenna e, nolosheenna ayaa Salaadda ku xiran" oo ay kala jeeddo qofku nolosha uu ku noolyahay hadba waa sida uu u joogteeyo xiriirka Rabbigii, oo Salaaddu waa xiriirka addoonka iyo Rabbigii. 

"Xiriirka noo dhexeeya annaga iyo ayaga waa Salaadda, ciddii jarta xarigaas waa uu gaaloobay". Xadiis ayay macnihiisu sidaa ahaayeen.


Qaybta shanaad ee buuggu waa mid muhiim ah milayga lagu jiro. Dumarka iyo marxaladda ay maanta ku jiraan ayay qaybtani xoogga saareysaa. Sida dumarka loo jahwareeriyay, oo looga raariday in xuquuqi ka maqantahay oo kale iyo waxa uu Ilaahay siiyay ayay ka warramaysaa. 


Qaybta ugu danbeysana, waxa ay la xiriirtaa ummadda iyo sida ay muhiim u tahay in ay isku xirnaasho lahaato. Kala aragti gedisnaan kasta oo jirta waa in aan la qaybin ummadda, oo lagu dhegnaado xariga Alle. "Xariga Alle siwadajir ah xoog u qabsada ha na is qaybinina". 3:103


Dhugashada buuggan waa mid aadan ka dhergeyn; arrimaha uu kaala hadlayo awadood iyo macluumadda uu sido. Sannadkii labaad ayaan laba laba jeer akhrinayaa.


Buuggu waxa uu ka mid yahay buugta loogu iibsiga ogyahay. Qoraaga buugguna waa macallimad Psychology-ga iyo tababare nololeed. Masar ayay ku dhalatay Maraykanka ayayna wax ku baratay kuna nooshahay.



Previous Post Next Post