Aniga iyo Qoraalka

 

Aniga iyo Qoraalka

“Qalinkaa wax suureeya

Kugu sima halkaad doonto

Saaxiib kal furan weeye

Sunto fara-ku-hayntiisa

Weligaa ha sii deynin”

Badaha qoraalka waxaa ugu tun weyn labada badood: Qoraal akadeemig ah iyo mid farsamo (non-academic writing). Waa marka aan ka eegno dhanka qabdhismeedka, se siyaalo badan oo kale ayaa qoraalka loo kala saaraa, iyadoo ay ku xirantahay ujeedka laga leeyahay. Waxaa ka mid ah qoraal wax lagu soo bandhigayo, mid wax looga raaridayo qofka, iyo mid wax lagu werinayo.

Qoraalku waa xujo. Waa xujo qofka lagu xujeysto in uu garaadkiisa shiilo, kadibna uu weel ku shubo sidaasna dadka u hordhiga. Qoraalku is isku mid ah dadka uma saameeyo. Dadka qaar waa la koraan, sida Geoge Orwell uu ku sheegay buuggiisa Why I Write. Dadka qaar waxa ay wax u qoraal si aan dareen ku lammaaneyn. Qaar ayaa u qora madadaallo iyo marxalad ku mood. Qaar ayaa u qora si ay kaga bogsadaan xaalad ay markaas la tacaalayaan. Qaar ayaa jecleysta xanuunka maskaxeed ee haya in ay ereyo u beddelaan, si ay deggenaasho u helaan. Ujeeddooyin intaas ka badan ayaa wax loo qoraa, oo ay ugu horreyso in farriin cid kale loo gudbiyo, iyo jiilal soo socdo taariikh loogu reebo, in aqoon lagu kala qaato. In xogo la isku dhaafsado. In dareen bulsheed lagu cabbiro ama in cid loogu qareemo. Yaanan illaabin, dad ayaa wax u qora si ay xoolo ugu helaan. Badahaas qoraalka qofba meel ayuu kaga dabaashaa, waana hadba tan uu xinnibo u leeyahay iyo xeeldheeri gooni ah.

aan kuu warramo aniguna, laakin ii ogolow in aan dhawr sadar ka hormariyo xiriirka naga dhexeeya aniga iyo qoraalka. Waxaad suureysataa adiga oo aan waxna qorin, waxna akhrin oo laguu dhiibay warqaddaan aad hada akhrineyso. Maxaad dareemi leheyd, maxaase iska kaa beddeli lahaa? Waxba waaye jawaabtaadu. Qoraalku waa nooc ka mid ah dareemada uu qofku wax ku dareemo. Waa dareen uu wax ku cabbiro. Waa dareen uu wax ku arko, ku maqlo, kuna dhedhemiyo. Waa dareen qofka lihi uu ku dareemi karo waxa dhinacyadiisa ka dhacaya, kuna gudbin karo waxa uu qof ahaan ama bulsha ahaan dareemayo. Waxaan dhihi karnaa waa dareen dheeri ku ah shanta (5) dareemi ee dadku leeyihiin. Waa dood kale, kaligii ma shaqeyn karaa iyo siduu u shaqeeyaa? Waxaase hubanti ah in ay kala duwantahay kolka adigoo akhris-qoraal awoodeed leh lagu soo hordhigo qoraal iyo kolka aadan waxna qorin, waxna akhrin ay laba nololood kala tahay.

Inta aanan u guda gelin xiriirka naga dhexeeya aniga iyo qoraalka, aan ka warramo waxa uu i taray qoraalku qof ahaan. Qoraalku waxa uu isiisay nolol xorriyad leh, xakamo leh, xamaasad xiiso huwan leh. Qoraalku waxa uu ii noqday wehel aan kaga dhuunto duruufaha ku gedaaman nolosheyda. Waxa uu gaashaan iiga noqday wax dhan oo la’aantiis nolosheyda la degi lahaa. Maalin aan garab u baahnaa ayuu ii noqday saaxiib aan u sheegto waxa aan gudaha ka dareemay, isaguna dibadda u soo bixiyay isagoo kaalma ka helaya kan aan la’aantiis farriintaas la soo bandhigeen—qalinka. Kol walba oo aan dareemo tallan gudeheyga ah ama aan wax aanan heli karin jeclaado in aan markaas helo, qoraalku waa halka aan ku soo bandhigo. Waa saaxiib aan duruufeheyga u sheegto, si aan ku bogsoonayana u soo bandhiga. Waxaan isweydiinayaa, haddii aanan waxba qori aqoon leheyn, shaqsiyaddaanna aan lahaa lahaa, side ayaan noqon lahaa. In aan maryaha tuuran lahaa ayaa ii soo bexeysa. Waxaa laga yaabaa in aad ka badbadis u aragto halkaas, runtuse waa in qoraalku uu wax badan iga horjoogsado. Baahiyaha nafsadeed ee qoraalku iga daboolo, la’aantiis culeys ayay igu ahaan leheyd in aan maareeyo. Waa hubanti in qoraalku qofka kaallin mug leh ugu jiro, waxayse u badantahay in aan loo fiirsan. Waxaad suureysataa, adiga oo laabta wax ka raba, waxaas helistooduna aysan sinnaba u suurtageleyn. Waxaad tijaabisaa in aad waxaas sida aad u dareemeyso aad warqad ku qortid, waa hubanti in culeys weyn kaa degayo. Waaba uu kaa degayaa. Aniga iyo qoraalka waxaa naga dhexeeya xiriir laba wax oo kale aanu ka dhexeyn. Ma rumeysanaysaa sheekadeydi ugu danbeysay ee aan ugu magic daray, Wixi aan heystayba adaa qaatay (You Took All I have) ama middii aheyd, “Yaa Qoraalkeyga iga iibsada” sida ay dareenkeyga ula falgaleen, sida aan dareemay kolkii aan dhameeyay ee aan qalinka iyo warqadda isdulsaaray. Nafiska aan dareemay miyaan dareemi lahaa, haddii aan xeebta tegi lahaa, ee aan sanka ka buuxsan lahaa urta dabeysha biyaha maanyada wadata. Ma dhici leheyn. Aniga qoraalku waa u qareemeheyga.  Waa quudiyah maskaxdeyda. Waa dabiibaha dareemeheyga. Waa dejiyaha uurkeyga.

Cali Xuseen Axmed

Previous Post Next Post