How Learning
Works: Seven Research-Based Principles for Smart Teaching
Buuggan waxa uu
ka koobanyahay 7 cutub iyo hordhacooda kooban.
Buuggu wuxuu
aad xoogga u saarayaa isku xirka nidaamka wax loo baranayo iyo habdhigista
macallinka. Waxbarashadu waxaa natiijada ka dhalata wax ardaygu ka fikiro iyo
waxa uu gacanta ka sameeyo. “Macallinku kaliya waxa uu ku biirin karo ardayga
waa saameynta uu ku yeesho waxa ardaygu baranayo. Macallinku waxa ugu horreeyo
ee uu tixgelinta siinayo waa sida ardaygu wax u barto.”
Qodobka ugu
horreeya ee buuga, wuxuu soo bandhigayaa qodob muhiim ah. Ardaydu marka ay
fasal ka gudbayaan, oo mid kale u gudbayaan waxa ay la tegayaan aqoon iyo
waaya-aragnimo. Aqoontaasi ama waa ay caawinaysaa in uu wax sii barto ama uu
jidgooyo ayay ku noqonaysaa. Taasi waxa ay ku xirantahay ayuu leeyahay qoraagu,
“sida macallinku ula falgalo iyo sida uu u kaagiciyo aqoontaas.”
Cutubka labaad
Wuxuu sharraxayaa in sida ardaydu isula falgaeliyaan aqoontooda iyo waxa ay
baranayaan ay saameyn isugu yeelanaayaan. Wuxuu sheegayaa buuggu, in ardaydu ay
xiriir ka dhex sameeyaan qurubyo yaryar oo aqoon ah, haddii xiriirkaasu
guuleysto, ardaydu waxa ay awood u yeelan doonaan inay dib u adeegsadaan
aqoontaas. Yacni in ay xasuustaan wixii ay barteen.
Cutubka
seddexaad ee buuggu wuxuu tilmaamayaa, in dhiirrigelinta ardayda la siiyo ay
joogteynayso; isla markaana hagayso waxa ardaygu sameyn lahaa si uu wax u
barto. Kolka ardaygu ku biiro goob waxbaraaho, oo uu u madaxbanaanaado
arrimihiisa qaar, dhiirrigintu qayb weyn ayay ka qaadataa hagistiisa iyo ku
duwidda yoolkiisa.
Cutubka afaraad
wuxuu soo koobayaa, si loo helo arday anuug ku ah majaalkaas waa in uu helaa
xirfado iyo tijaabooyin isdhamaystiraya iyo in uu ogaado goorta ka adeegsado
waxa uu soo bartay.
Cutubka shanaad
ee buugga waxaa looga hadlay in haddii la helo hadaf waxbarasheed ku dhisan
tijaabooyin iyo falcelin maangal in tayada waxbarashadaasi la dareemi doono.
Cutubka lixaad
wuxuu soo koobayaa in marxaladda ardaygu ku suganyahay haddii ay tahay mid
dhaqaale ama mid dareen-bulsheed ay saameynayso waxbaristiisa iyo
waxbarashadiisa.
Cutubka
toddobaad waxaa lagaga warramay in ardaygu noqdo mid jeexa dhabbaha hayaankiisa
waxbarasho, taas oo saameynaysa hababka uu wax ku baranayo.
Susan A.
Ambrose, Michael W. Bridges, Michele DiPietro, Marsha C. Lovett iyo Marie K.
Norm ayaa iska kaashaday qorista buugga oo ah cilmibaaris socotay in mudda ah.
Richard E. Mayer ayaa ah tifaftiraha iyo soosaaraha buugga.