NASIIBLAAWE
In wax aadan
awoodin wax ka qabashadooda aad ogaato ayaa ugu xun wax aad ogaato.
Waxaan
akhrinayaa buugga The Road to Zero ee uu qoray danjire Maxamed Cusmaan Cumar.
Waxaan marsiinayaa boogga 30aad. Halkan qoraagu wuxuu kaga sheekeynayaa mar uu
ka shaqeynayay xafiis dadku lacagaha dhigtaan, kana qaataan-Post Office. Wuxuu
leeyahay, “anigoo xafiiskeyga fadhiya ayaa waxaa ii soo galay nin isku sheegay
in uu dhakhtar yahay oo raba lacag looga soo diray Talyaaniga. Waa u baaray,
waana u helay, waxaana u sheegay in uu saxiixo oo uu suulkiisa saaro saxiixa
suulsaarka ah. Ninkii dhakhtarka sheeganayay qaylo ayuu afka labadiis yeeray.
“Waxaan ahay dhakhtan labaatan sano wax baranayay, asaad ileedahay suulkaaga hakaas saar”. Widaygay
aan shaqa wadaag nahay oo gees kale fadhiyay ayaa igu yiri, “ninkaa akhyaarka
ah anigaa aqaane, sii lacagtiisa”. Saaxibkey waxaan u sheegay in uusan na soo
dhexgelin. “ Suulkeyga halkaas saari maayo, xitaa Cabdullaahi Ciise
[Raiisulwasaarihii dowladdii Daakhiliga] igu ma dhihi karo warka noocaas ah”
ayuu ninkii yiri. Waxaan u sheegay in aan lacag badan, oo dadweyne aan ku heyno
halkan, ayna waajib tahay inaan lacagtaas bedqabkeeda ka taxaddarno. Waxaan u
raaciyay in amarkaan Cabdullaahi Ciise qudhiisu u hoggaansamo. Waxaan tusiyay
suulsaarkii raiisulwasaare Cabdullaahi Ciise. Ninka sidaas iila dhaqmayaa waa
nin kulyadda sharciga ka dhigta jaamacad Talyaaniga ku taal. Mustaqbalka
madaxweyne ama abuukaate sharciga ilaaliya in uu noqdo ayaa la rabaa”.
Waxaan
xasuusanayaa maalin macallin noo sharraxayay ilaalinta deegaanka iyo sida ay
muhiim u tahay inaan la dhibaateyn deegaanka aan ku noolnahay, isla maalinkaas
waxaan arkay macallinkii oo bac madow jidka ku tuuraya. Waxaa kale oo igu soo
dhacay, nin aan saaxiibbanahay oo farmashiye leh oo iibiya kaniiniga Tramedol,
isla markaasna talooyin caafimaad bixinaya, dadna daawa u qoraya.
Waxaan
xasuustaa sheeko nin wadaad ah oo aan qaraabo nahaay laga soo weriyay. Wadaadku
wiilkiisa ayuu kula dardaarmayaa in haddii uu gabar uu guursado u baahdo, uusan
lacag iyo xoola kale weydiine uu gabadha qudbasireysto oo marka ay uur qaaddo
uu u keeno, si reerka gabadha dhalay ay ugu qasbanaadaan wax walboo loola
yimaado. Ninkaas wadaadka ah mar ayaa gabadhiisa nin qudbasireystay, tii ka
dhacdayna waa la yaabay.
Maxaa i
ogeysiinaya dhacdoonyinka lidka isku ah? Buug kasta oo aan akhriyo dhibaato hor
leh ayuu i ogeysiiyaa, dhibtaas mid aan wax ka qaban karo maaha. Akhriska iyo
ogaalbadista miyaan iska dhaafaa? Maya! Waaba waxa kaliya ee aan farxadda ka
helo marka laga soo tago codka xabeebta leh ee saaxibteey Faadumo. Akhrisku wax
aanan iskuulki iyo jaamacaddi ku soo baran ayaan ku bartay, sidaas darteed
joojin maayo. Laakin nasiibxumideydu waa inaan xakameyn karin dareenkeyga oo
aan xoog uga xumaanayo xaaladaha isdiiddan ee aan la kulmayo maalin kasta.
Nasiibxumo waa inaanan awoodin wax ka qabashada dhibaatooyinkaas. Nasiibxumidu
ma ahan oo kaliya in aad xoolo heli weydo nooca ay doonaanba ha noqdaane.
Qaybo…
Ali Ahmed