DABINKII JACEYLKA
“Baddu layr qaboobaa
Hirku boodda dheeraa
Boholyowga caashaqu
Beergooyo weynaa”
Kolka aad ookiyaala la’aan lugeynayso iyadoo indhuhu ka xanuunayaan waxaad mooddaa in qashin oo dhan indhahaaga kuaruurayo. Sidaas oo kale marka aad qalbiga ka dhaawacantahay, qof walboo dhawaaqa waad u dhegtaadaa, bal in u uku dhegeysto. Aad baad u danaynaysaa meel aad kudareenwarranto.
Aad baan u nasiib badanahay. Maya, noole iga nasiib xunbadunida dusheeda ma saarna. Waan nasiib badanahay, oo dib markii loo raadraaco nolosheyda qof nasiib leh ayaan ahay, se markaan hoodo iyo ayaan ma sheegan karo. Marar badan waankaftannay, oo waxyaabo ay internet-ka soo dhigtay ayaan faalloka dhiibtay. Mar ayaanba in cabbaara wada hadalnay. Aad baanu afgaabanahaye, kuma sii dheeraan sheekadii aan billaabay. Qalbiga ayaan iskala hadlayaa, oo aan ka leeyahay, ‘waadisfahmaysaane, maad gabadha la sii hadashid?” markale ayaanisla qalbiga iska leeyahay, “ka jog, qoftaan xiriir ayayleedahaye”. Lababogleyntaas ayaan ku jiraa mar walba, markaanse kansho weyn ayaan helay. Waa ka faaiidaysashofursaddu e, horey ugu soco ayaan hoos iskula hadlay. Markaansheeko aan iskula jaanqaadi karno ayaa noo billaabatay, anna waa ii fursade kama joogsan. Shaqadi aan haayayba waa u joojiyay, si aysan sheekadu ii kala go’in, fursaddaanna aanan u lumin. Sheeko ayaa noo billaabatay dhinacyo kala duwantaabanaysa. Anigu aad baan u danaynayaa sheekadeeda, waxaanse ugu sii darnaa markii ay cod ii soo duubtay. Wuxucod kaliya ma ahayne, maxaa ku lamaannaa?! Cod aan kusarqaamay, ina saaqay ayuu ahaa. Dhab ahaan aad ayay u cod macdahay, se daneynteyduna wax bay ku sii dartay quruxdacodkeeda.
Hal habeen ayaan sidaas ku wada sheekeysannay, laakinsheekadeenu mowduuc gaar ah ma quseyso. Mararka qaararrimaha guurka iyo xiriirka ayaan ka hadalnaa, oo aantilmaamnaa sida dadkeennu uga aqoon la’yihiin majaalkan. Kelmad walba oo dhankeeda ka timaad keydga jaceylkeeda ayaysii kordhinaysaa. Xiisaha aan u qabay inaan saaxiib yeesho iyosida aan meelo badan iskaga feker ahayn ayaa keeneysa inaansidaas xowliga ah dareen ugu qaado. Su’aalo ayaanweydiinayaa, anigoo raba qaab fekerkeeda iyo waxa ay xiriirkaiyo nolosha guurka ka aaminsantahay. Aad bay u fekertogantahay. Waxaadba moodaa in ay iga qishtay qaabki aanrabay in ay u jawaabto. Wax walba oo laabteydu rabtay in ay afkeyga ka maqasho ayay soo tufeysaa. Siyaalaha ay u tusaaleynayso ayaaba wax loo dhigaa jirin. Waa erey macdahay, oo cod macaantahay. Dabcan wejigeeduna sidaas ayuu u qurxanaan doonaa. Waxba iga ma quseeyaan haddii ay intaaniyo inta aan soo sheegayba iga qancisay. Sheekadeenu habeenkilabaad ayay gashay, xitaa maalmihii waan wada sheekeysannaa.
Goobteydi shaqada ayaan ka soo dhaqaaqay anigoo marnashaashadda teleefanka eegaya si aan farriinteeda dhaqsa kagajawaabo, marna horteyda eegaya si aanan dhagxaanta ugudhicin. Mooto ayaan soo raacay, anigoo ilbiriqsi ilbiriqsiteleefanka u fiirinaya. Mar aan marayo dhabarka danbe eeisbitaal Madiino ayay farriin ii soo dirtay. Ka horna waa ii soodireysay, laakin tan ayaa rejo I gelisay. “ Xiriir waa leeyahay, mid xoogganse ma ahan” ayay igu tiri. Farrimo kale kaddib, Alle ha idiin wanaajiyo ayaan ugu jawaabay. Xaafadda ayaanimid, sariirta ayaana isku tuuray. Farriimihii ayaan dib u raacaybal in mid rejo abuuraysa ay ku jirto. Waxba waan ka waayay. Habeenkaas sheeko ayaa noo baxday aad ayaan isula helnay. Numberkeeda oo aan horey uga qaatay ayaan ka wacayWhatsapp-ka. Cod macaanideeda waxaa u sii dheer qosol quruxbadan oo aan dhegaha kaa xanuujineyn, laabtana qaboojinayosida adigoo oon kax la’aa oo biyo baraf leh halmar kabbaday ookale ah. Aad bay habeenkaas codkeeda ii deeqsiisay. Waxba igama reeban. Si maldahan ayaan ugu sheegay inaan xiriir ka rabo, waa wax Alle caqli u dhaliyee waa ila fahantay oo durbaba waxaay tiri, “in aad shortlist-ga ku soo baxdo ayaan rejeynaa”. Inaan ku soo boxo iyo inaanan ku soo bixin ma anaaba kala jecel. Sheekadeydi ayaan watay maalin iyo habeen.
Maalinba maalinka ku xigta aad baan isugu soo dhowaaneynaa. Erayo caadi ah, se laga dareemayo jaceyl ayaan isuadeegsanaynaa. Sidaas ayaa wax ku socdeen in mudda ah. Waa koray jaceylka oo qaangaaray. Waxaan noqonay lammaaneisjecel. Wax badan ayaan isla meel dhignay. Siro badan ayaanisu sheegannay. Maalinka aan kulmeyno ayaan isu sheegnay. In ay tahay maalin weyn ayaa qofba qofk kale afkiisa kala baxay. Runtii anigu aad baan u jeclaadaay, weliba mid aad u qotodheer. Xilli aan aad ugu baahnaa ayay ku soo aaday. Waxa kale oo ay noqotay qof ahaan middii aan rabay. Waa intaan ka arkay. Dabeecad ahaan, feker ahaan iyo dhaqan ahaanba aad bay ii cajebisay. Waa ka helay oo jeclaadaay. Muuqaalkeeda ayaa isnaaad ii qanciyay. Qof dhamaystiran ayay ahayd. Aad baan u jeclaan lahaa inaan maanta heysto jaceylka iyo quruxdaas. Dhankeedu aad bay iigu sheegtay in ay iga heshay, oo aannoqday dooqeeda. Noloshu waa xaasid. Mayee, waabasamaysankeeda. Haa, nolosha ayaa u samaysan in ay maalinnaku dhisto, maalinka ku aasto. Maalmihii la soo dhaafay aad bay ii dhistay, oo waxaanba u dhaqmayay sidii nin reer leh. Waan fekerayay, dhab ahaan sida qof reer leh.
Duniduba waa isbeddelladaas qaraare, habeenki ugu danbeeyayee aan codkii laxanka macaanaa aan maqlo ayaa la soo gaaray. Aad baan u sheekeysannay. Sheekooyin qaraaxo leh ayaan aadkaga sheekeeyay. Waa ismacsalaameynay. Anigu internet-ka kama bixine, filin dhex ii marayay ayaan ka tuur is iri. Farriinayay ii soo dirtay. “ Saaxib hebel ma saaxiibo ayaa tihiin?’ ayayI weydiisay. Haa ayaan ugu jawaabay. Warba waxay ku koobtayastaanta layaabka (!). waan yaabay, oo madaxaa i xanuunay. Maxaa dhacay weydiiyay, iimase jawaabin. markalaan kuceliyay. “Saaxib ana berri kaaga warramayee iska dhaaf” igutiri. Markaas ayaa xanuun iigu horreysay. Waan wacay igamaqaban. Farriin ayaan u diray, iiga ma jawaabin. xanuunkina waaigu sii batay. “Waxba ma jiraan, anaa beeri kuu warramaya” ayay igu tiri. Habeenkaas, habeennada kale waa ka dheeraa, xanuunna waa iila jiray. Isla subaxdi horeba waan weydiiyaywaxa jiro, waxse iima sheegin. Anna kama joojine, waan wedaybarista iyo in aan ogaado halka sartu ka qurunsantahay. Mar ay 10:30 AM tahay ayay igu tiri, “Saaxib, ninkaa odayga ah ee aadsaaxiibada tihiin ayaa wax igala dhexeeyaan, marka ma rbo in saaxibtinimadiina ay dartey u burburto oo go’aan ayaan qaatay”. Qarracan iyo qalbijab kii ugu weynaa aniga ayuu i guljoogaa! Waa arrin wanaagsan ayaan ku iri, se maxaadan markii hore iigusheegin saaxibey? Su’aashaas in aan weydiiyoba ma ahayn. Waxaa ii muuqanayay, dhegeheyguna maqlayeen qac qacdaqalbigeyga. Aad baan u dhibsaday. Saaxibkey sidaas oo kale ayuu isna noqon lahaa. Laakin ilaa 5 mar ayaan isweydiiyaymaxaay sidaan dareen kuugu abuurtay iyadoo qof kale wax la wadda? Alle dumarkeennu dhib jeclaa oo dadka qalbiyadoodajebin ogaa. Waxaa mar qura kala daatay wax aan muddo iskuaadinayay. Rejo aan mar gaar islahaa ayaa daad roob qaaday. Waxa iigu daran waa ubixii aan shalay ka dalbay Udug Flowers ee aan rabay in aan guddoonsiiyo maalinka aan kulmeyno. Rejadii ay i gelisay, ballamadii aan ka qaaday ee aanrumeyntooda ku riyoon jiray iyo raxmaddii aan dareemayaysaacadahaas sammada ayay ku sharer beeleen. Waa nolol aannaxariista aqoon nolosha jaceylka. Kumba sii jirto kolka aadSoomaaliya joogto. Soomaaliya wax kastaa iskaga baaba’ay. Waxaan isweydiiyaa, “ma jaceyl ayuu ahaa, oo ma ku darsadaaliiska taariikh nololeydkeyga mise waa wax aan anigu kaligeysamaystay?” dabin aan aqoon cidda ii qooshay ayuu ahaa.