Sideen kuugu sheegaa inaan dhab kuu jeclahay?

 Sideen kuugu sheegaa inaan dhab kuu jeclahay? 

Maxay qurux badnaan laheyd in aan kuu ballaqo irdaha qalbigeyga, si aad u aragto dhabnimada jaceylka aan kuu qabo? Waxaan hubaa in aad la ashqaraari leheyd, wanaaga, naxariista iyo doonista xooggan eek u xidideysatay qalbigeyga oo aan adiga kuu haayo. Run ahaantii, culeys weyn ayaa iga degi lahaa, mar haddii aad arki leheyd wanaagaas aan kuu hayo, adna aad dareemi leheyd in muhiimadda aad qof agtiisa ka leedahay. Qalbiyadeenna oo la isu ballaqo albaabadooda waxa ay nooga dhignaan doontaa laba qof ooh al qof ku wada dhex nool. Waxa ay noo ahaandoontaa in aan ka tillaabno waxyaabaha Sheyndaanku hoos noogu sheego iyo sharwadayaasha aan marna raalli ka aheyn guusha laba sideenna isu jecel. Aan su’aal isweydiinee, maxay tahay xikmadda ku jirta in la qariyo wanaagga uu mid mid kale qalbiga ugu haayo? Waa wax Alle cilmigeeda leeyahay, se haddii aan garaadkeena yar ku cabbirno, waxa aan dhihi karnaa qalbiyada dadku waa sida caloosha xoolaha. Gudaheeda in aad aragto jecleysan meysid, isla markaana waad rabtaa cunisteeda. Arkidda qalbiga qof aad jeceshahay waa wax naftu rabto, se waxa ayugu tegi doonto ayaa ah wax aan la jecleysan. Sidaas ayaan isleeyahay in ay tahay xikmadda ku jirta aniga ahaan. Waan ku jeclahay dhawr sababood dartood. Waan ku jeclahay, oo waxaad tahay qof leh astaan walba oo qof lagu jeclaado. Waxaad leedahay dabci deggan iyo u fiirsasho aan degdeg leheyn. Waan ku jeclahay, oo waxaad soo buuxisay dhammaan shuruudihii ii qornaa oo aan qof ku dooran lahaa. Waan ku jeclahay, oo waxaad tahay qof wax ka yaqaan dareenka jaceylka. Dunida aan maanta ku noolnahay inta dareensan in qofku dareen jeceyl oo daneysi ka madax bannaan leeyahay waa koobantahay. Waa duni wada daneystayaal ah. Dad aan damiirkoodu shaqeyn, oo meel kasta TEYDA la soo taagan. Waan ku jeclahay qaalideydiyey, waayo waxaad leedahay wax walba oo qof lagu jeclaado. Degganaan, dulqaad, damqasho, dun wanaagsan iyo damiir nool ayaa kugu dahaaran. Inta aan is naqaan waxa ii kordhay intii aan horey u heystay, in kaloo badanna waa igu soo siyaadeen. Qof ahaan, waxa aan ahay dadka wada sheekeysiga laba kala jinsi duwan aad u saameyso. Kolka aan dareemo tamaryari ama caajis ee aad ii sheekeyso waxa aan noqdaa sidii qof aan weligiiba caajisin. Waxa aan noqdaa sidii in aan hadda soo toosay caaboonaanta iga muuqata darteed. In aan codkaaga maqlo haddii ay dhici weyso, dib u akhrinta farriimeheenna ayaa ii ah tamar dhaliyeheyga. Alle qurux badanaa kolka aad dhex dabbaalanayso noloshaas! Waxaad sidoo kale ii tahay rejo aan naawilayo. Ruux wal oo dunida saran wax buu naawilayaa, saa noolaha oo dhanbaa rejo ku nool ahe. Rejada ah in aan reer yeesho aad adigu boqoraddiisi tahay ayaa ii iftiimisa inta iyo halka aan waddanka ka joogto. Waxaad ii tahay kalkaaliso xagga ruuxda ah. Qosolkagu waa halka aan ugu jeclahay hadalkaaga, dhoolacadeyntaaduna waa inta aan ugu jeclahay muuqaalkaaga. Alle qurux badanaa! Maxaan u dalbanayaa in waxa qalbigeyga ku jiro lagu tusi, oo aa dhal hal u arkri karto? Miyaanan kuu sheegin sida aan kuu jeclahay, mise anigaa kalsoonidu igu yartahay? Labadaba ma aha. Waxaan ogahay in aad ka dheregsantahay sida dhabta ah ee aan kuujeclahay iyo sida aan kuuu kalsoonahay. Kaliya waxaan rabaa in ku tusiyo sida uu muuqdo qalbiga ku jecel, ee weliba jaceylkaaga shaki aan ilbiriqsi aan gelin. Marka aan leeyahay, sidee ayaan kuugu sheegaa in aan dhab kuu jeclahay ma ahan in aan kalsooni darro qabo. Micneheedu maaha in aanan kuu sheein, adna aadan dareensanaysn, ee waa in aan rabo xusidda dhabnimada jeceylkeyga iyo muhiimmadda aad ii leedahahy. Dad badan oo maanta nool, haddii aad kala hadasho wax jeceyl la xiriira waxa ay kuu arkayaan qof aan qaangaarin garaad ahaan iyo qof weli ciyaalnimo ku danbeyso, waa ayse illowsanyihiin waxa runtu ay tahay. Fekradaha duugga ah ee dadkan waxa looga baxsan karaa oo kaliya, in aad caqligaaga indha ka dhigato, oo aad iska illowdo waxa la sheego, ee waxba kama jiraanka ah. Qaalideydiyay, ima soo marin nolosheyda qof sidaada oo kaliya, ismana lihi waa ku soo mari doonaa. Ma jeclaan jecelka aan kuu qabo mid la mid ah qof, ismana lihi waad jeclaan doontaa. Rejadeydu adiga ayay kugu koobantahay, haddii aan is iraa dhaaf, oo wax kale ka fekerna derbi aan aqoon meel uu ka yimid ayaa isoo celinaya. Derbigaasi waa jaceylka dhabta ah. Haa waa isaga. Waa ku jeclahay, jeceyl dhab ah. Eebbe waxaan weydiisanayaa in uu nolosha nagu mideeyo.

Previous Post Next Post