UMMAD WADA ARRADAN
FILE PHOTO: A Somali youth holds the national flag, at Lido beach, Mogadishu’s Abdiaziz District, Somalia June 18, 2021. REUTERS/Feisal Omar
Arradku macnaha guud waa medeb-beddel iyo maryo jeexjeexmid qofka si guud kaga muuqata, waxaase jira arrad ku dhaca qofka umuurtiisa qarsoon: aqoontiisa, waxtarkiisa, wax-dheefkiisa, dhaqankiisa I.WM. Doorsoon-duleedka liita ee qofka ka muuqda iyo kan gudeed ee aan sahal lagu dareemin waa laba arrad oo macna ahaan kala gundheer. Qofku waa arradnaadaa oo is arrad-tiraa, ummadduna sidaas oo kale. Dhinacyada ummadi ka arradanto waxaa ugu daran: aqoonta, fekerka, dhaqaalaha, fahamka nolosha, iskuduubnida, isu turidda I.W.M.
Ummaddu haddii aysan hanan hanaanka ay u noolaanayso, oo aysan abuurin wacyi dadweynuhu wax ku fahmaan, kuna xukumaan xaaladaha soo derriya waa asqowda. Waxa ay kala garan weydaa waxa danta u ah iyo waxa dhibta u keenaya. Bulshadeenna Soomaaliyeed waxa ay ku sugantahay wax aan ugu yeeri karno “arradnaan feker”. Waxa ay u caddibantahay afkaaro aan maalin kobtoodi ka dhaqaajineyn. Waxaa kale oo ay u dabrantahay aragtido iska soo horjejeda; isla markaana aan maalin gelinkii u dhaqaajineyn geedka guushooda. Taninna waa arrad kaga dhacay xagga fekerka iyo hab-fekerka. Ummadi waxa ay wax ku qabsan kartaa in ay fekerto, oo ay maankeeda tuujiso. Leyliyo wax-ku-ool ah isu dirto. Intaasba bulshadeenna arrad ayaa kaga dhacay oo irdahaas waa ka qunfulanyihiin. Qoraal lagu daabacay mareegta AriseBhart.com oo cinwaan looga dhigay, “Sidee waddan loo bururiyaa iyada oon xabbad lagu ridin” “How todestroy a nation without firing a bullet” ayaa nuxurka qoraalku ahaa “si loo burburiyo waddan, waxaa muhiim ah in la beddelo fekerka bulshadiisa iyo qaabka ay u fekeraan”. Waxaa laga dheehan karaa weeraha sare waa in fekerka bulshada iyo qaabeyntiisua ay kaallin weyn ka qaataan horumarkooda. Maqnaashiyaha labada caamilna (factor) ay ka dhalanayso arradnaad feker.
Sida uu ku tiraabay Albert Einstein, ‘Aqoontu ma ahan tirooyin iyo wax sugan oo la xifdiyo, se waa in la layliyo gaardka”. Garaadka oo la layliyo waxaa ka imaanayo aqoon cusub oo dhibaatooyinka jira lagu daweeyo, wax aan jirinna lagu hal-abuuro. Intaas haddii aysan dhicinna waxa aan barannaa wax weyn kama gedisna xarfo aan korka ka xifdinno. Aqoontu waa tan keensata isbeddel kasta oo qof ama bulsha ku dhaca; xagga fekerka, waxsoosaar, qiyamka, dhaqammada wanaagsan. Aqoonti intaas laga waayaa waa mid nafaqadarro ku dhacday, oo u baahan in la nafaqeeyo. Nafaqadarrada aqoonta kaaga dhacdaana waxa ay keensataa arrad ku yimaada waxsoosaarkaaga iyo waxtarkaaga. Aqoontu laba qoloba waa kala huftaa: mid aqoon leh iyo mid aan aqoon lahayn—sida Aayadda ku cad—waana sababta ay umadaha oo dhan doorka koowaad siiyaan.
“Ù‚ُÙ„ْ Ù‡َÙ„ْ ÙŠَسْتَÙˆِÙŠ الَّذِينَ ÙŠَعْÙ„َÙ…ُونَ Ùˆَالَّذِينَ لا ÙŠَعْÙ„َÙ…ُونَ”
Waxtarka aqoonta waxaa la gartaa kolka ay soosaarto ciddii la rabay in ay soosaarto, se cagsigeeda haddii aysan wax-ku-ool ahayn aqoontaas waxa ay soosaartaa qof dhaqankiisa ka didsan, qiyamkiisi qofeed lumiyay, sawracseeg ku dhacay, qof aan isaga aqoon la haysta. Aqoonta aan maanta haysanno waa tabtaas. Waxa ay soosaartaa Soomaali Soomaalinimada ka galiilyoonaya. Muslim Muslinimada ka didsan. Soomaali Mareynkan ismooda. Soomaali aan Soomaalinimada waxba ka aqoon. Waa halkii Abwaan Hadraawi ka yiri, “Iskuulladu waa dayeyn, damiinnimadey dhigaan”.
Arradka duleed ee ka muuqda dharkaaga ama dubkaaga waxaa looga gayoon karaa in aad hesho maryo cusub iyo cunto nafaqaysan. Tan aqoonta kaa gashana waxaa looga baxaa dhabbe aqooneed oo saxan, barihii soo gudbin lahaa aqoontaas iyo dhaqangelinta xeerarka aqoonta. Aqoontu in ay daawo u tahay dhib wal oo dhacda ma ahan mid maanta u baahan marag, oo waa wax na la yaal oo sugan. Dhibaatooyinka ba’an ee bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ku faafay oo aqoon ma ahane, wax kale dawo u noqonayn waxaa ka mid ah: eexda, cadaalad-darrada, laaluush, xaqa oo la qariyo, qabyaaladda iyo ku tumashada sharciga. Kuwani waa dhibaatooyinka ugu daran ee arradka ummadnimo nagu haaya, ilaa xal aqooneysan laga gaarana waa sii jirayaan. “Wax na diley aqoontaado ood eed ku mudataaye”. Aqoonta aan sheeganno yaynan noqon mid aan maalinka Aakhiro eed ku muteysanno.
Adduunka aynu maanta ku noolnahay waa adduun waxa aad shaqeysato aad wax ku tahay. Weligeed ayayse qaacidadan jirtay, oo qofku waxa uu ku qiima yahay inta uu naftiisa u qaban karo. Soomaalida laba waxba isu ma raacayaan: sanka neeflaan u sarreeyaa iyo wax dad ku soo tiir iyo tacab belay ayaan miiska ku sugayaa. Waa laba daraf oo aan weligood hal meel isugu imaanayn. “Fakhriga aabbihii waa fadhiye aad u camal yeesha”. Ummad meel ku nool waxa ay milgo iyo sharaf kula noolaan kartaa dhiggeeda kale, kolka ay kacaanto oo ay soosaarato nolosheeda; isla markaasna iskaga filnaato in ay cid kale wax barido. Maantadan aan noolnahay, waddamadu waxa ay u kala awood sarreeyaan sida ay u kala dhaqaale badanyihiin iyo sida ay u kala daryeeli ogyihiin muwaadiniintooda. Magaca “Adduunka Seddexaad” waddannada la isku yiraahdo waa kuwa adduunyada ugu liita xagga dhaqaalaha iyo kafaala qaadidda muwaadiniintooda. Ummad aan intaasba awoodin ma jirto sabab ay “san ku neelfklaan” ugu sarreynaa la soo tannaagoodaan. Arradka kaga dhacay “Soomaalida” xagga fahamka nolosha ayay qayb ka tahay in ay kala garan waayaan waxa wax lagu yahay iyo waxa aad dadka ugu hooseyn kartid. “waxaaga ayaad wax ku tahay”.
Ummad aan aqoon wax goysa la hayn, oo anfaq sooreed haysan oo aan afkaaro lagu aflaxo afka ku hayn waxaan ugu yeeri karaa ummad wada arradan!
W/Q: Cali Xuseen Axmed
Muqdisho-Soomaaliya
2 August, 2022