Qaybaha Maskaxda


A medical illustration of the human brain from 'Quain's Elements of Anatomy, Eighth Edition, Vol.II' (by William Sharpey MD, LLD, FRS L&E, Allen Thomson, MD, LLD, FRS L&E, and Edward Albert Schafer) depicts the right half of the brain, 1876. (Image credit: Vintage MedStock/Getty Images)

Qaab la mid ah qaabka dhigaha iyo loolku dhulka u kala qaybiyaan ayaa maskaxduna u qaybsantaa. Dhanka midig iyo dhinaca bidix oo lagu misaali karo qaybita dhulka ay dhigdhexdu u qaybiso bari iyo galbeed iyo qaybta hoose iyo qaybta sare oo lagu mitaali karo qaybinta dhulbaruhu u qaybiyo dhulka waqooyi iyo koonfur. Qaybinta hore ee maskaxdu dhinac walba shaqa gaar ah ayuu qabtaa ay muhiimtahay in uu la xiriiriyo dhinaca ka soo horjeeda. Tusaale: dhanka bidix ee maskaxda waa qaybta qaabbilsan caqliyeynta xaaladda iyo in ay qaab ereyaysan uga falceliso hadba marxaladda lagu jiro. Qaybta midigtu waxa ay ku qaybsantahay dareennada iyo in arrimaha jira dareen ahaan looga falceliyo sababayn iyo qaab aan LOGIC ahayn wax lagu xalliyo. Qaybtan [midigta] waxaa inta badan adeegsada carruurta, waxaayna la gaartahay in qofku uusan ka fikirin ama uusan isweydiin maxay u dhaceyn waxan iyo maxaa sababi kara arrintan?


Isugeynta labadan (midig iyo bidix) waxa ay muhiim u tahay qaangaarnimada qofka iyo in uu noqdo qof u diyaarsan xallinta mushkiladaha. Kolka la joogo barbaarinta carruurta aad ayay u muhiim tahay in laga fikiro qaybahan. Carruurtu waxa ay adeegsadaan qaybta dareennada xukunta sidaas ayayna marwalba u nugulyihiin ama ugu jilcanyihiin xaaladaha dareennada ku xiran. Markaan oo kale, waxaa lagu taliyaa in labadaas qaybood la mideeyo iyadoo la adeegsanayo xirribooyin waxtar leh.

Qaybta labaad ee maskaxda oo loo kala qaybiyo kor (upstairs) iyo qaybta hoose (downstairs) waxa ay qofka ugu kala qaybsanyihiin shaqooyin kala madax bannaan. Tusaale: qaybta sare (upstairs) waa qaybta ugu weyn maskaxda ee howlaha muhiimka ah qabata. Sida: qorsheynta, fikirka, sawirashada, qiimeynta I.W.M. qaybta hoose (downstairs) waxa ay ku shaqa leedahay waxyaalo dareen ah, sida: carada, farxadda, cabsida I.W.M.

Si la mid ah labadan qaybood dadku waa ku kala duwanyihiin iyadoo da'du marwalba tahay jaangooyaha qaybahan. Isla shaqeynta qaybahan ayaana ka dhigan in qofku nafsad ahaan deganaan iyo qanacsanaan dareemo. Carruurtu marwalba waxaa u daraan qaybta dareenka xanbaarta ee maskaxda, sidaas ayaana lagu taliyaa in la adeegsado istaatiijiyad lagu mideyn karo qaybaha maskaxda ee carruurta. Buugga The Whole-Brain Child: 12 Strategies to nurture your child's development waxa uu leeyahay, "isla shaqeynta qaybaha maskaxdu waxa ay ka dhigantahay sida jirkan weyn qaybihiisa kala duwan ay shaqooyin kala duwan u hayaan oo midkood midka kale ku simo shaqadiisa. Isla shaqeyntaas ayaana u baahan xirfad iyo in caqli loo adeegsado kolka ilma la korinayo". 
Previous Post Next Post