Sadarrada su’aasha ku billoowdaa, ma ahan kuwa si fudud looga sal gaaro’e, aan sii wadno saafidda hadalka.
Horumarka Soomaaliya maxaa hortaagan? Soomaaliya weli horumar ma samaysay?
Weydiimaha isweydiinta leh, warcelinna loo rabo intooda badanna loo waayay waa ay badanyihiin. Waxaase dhab ah in aan warcelin loo waayi lahayn, haddii maanka la godlin lahaa, oo loo daadejin lahaa qaybta qaabbilsan xallinta arrimaha riiqoodu adkaaday. Waaba deeq Alle siiyay insaanka in ay arrin kasta meel ay ku daarshaan helaan, waa kolka uu adeegsado maankiisa. Soomaalida sooyaalkeedu waa mid sii fidsan tan iyo saanqaadka dadka, ragga sooyaallada ka warramana ay ku sheegeen (Soomaaliya) dhul la degnaa tan iyo inta nololi ka jirtay dhulka guudkiisa. Sannadahaas badan, Soomaalidu maxaa ay ka xaqeejisay oo guul ah (?) ayaa la is weydiinayaa. Maxaa ayna ku soo kordhisay dadka ay deris wanaaga yihiinna (?) waa su’aal kale oo taagan. Balse, aan u noqonno si bulsho u horumarto maxaay u baahantahay? Yayse tahay in horumarka bulshadaas uu gar wadeyn ka noqdo? Dib ugu noqoshada taariikhda dheer ee dadyowga Soomaaliyeed ee deggan Geeska Afrika waxa ay naga caawinaysaa, in aan waxyar ka ogaanno heerarkii ay soo martay bulshada Geeska (Soomaalida). Sida ay weriyaan kutubta taariikhdu, qarnigii 1aad—14aad Soomaaliya waxaa ka jirtay nolol u badan xoola dhaqasho, beer falasho iyo inyar oo magaalooyin yaryar ku ganacsan jiray—wixii ka horreeyayba. Xagga maamulka, waxaa jiray maamullo yaryar oo magaalada uun ku kooban. Maamullada yaryar waxa ay lahaayeen xiriirro dibadeed oo ay la lahaayeen dowladihii markaa jiray intii ay is-fahmi kareen. Wixii ka danbeeyay qarnigii 14aad, dunida waxaa ku soo kordhay dhaqan cusub. Dhaqankaasi wuxuu ku caan ahaa damac dhul fidsi. Dhaqankaasi meelaha uu soo gaaray waxaa ka mid ahayd Soomaaliya, oo wixii markaa ka danbeeyay gashay halgan iyo difaac dhuleed. Tanina waxa ay socotay ilaa bartamihii qarnigii tegay—20aad. Intii Soomaalidu ku jirtay is-difaacidda, maamulladii waa sii jireen ilaa ay ugu danbeyn u gacan galaan gaaladii weerarka ahayd. Sannadahaas, dunidu maalinba meel ayay u hergeleysay, oo horumarro ayaa la gaarayay. Halka Soomaalidu sideedi iskaga sii nooleyd—xoola-dhaqasho iyo beer falasho—ka dib 1960, Soomaalidu waxa u ruuqaansatay in ay wax la wadaagto bulshada dunida kula nool, ee habeenba meel u hoyanaysa. Isku dayadaasi waxaa ka dhashay; in Soomaaliya meel yar ka ciriirsato miisaska siyaasadda caalamka lagaga hadlo. Isbeddelladaasi bulshada waxa ay kaga dhignaayeen; in ay qayb ka noqoto baratanka dunida. Nasiib ku se haye ma dhihin iyo dadnimo xuma ahaa ma ogiye, oo magacii (dunida aan horumarin) sidiisi ayuu u sii jiryay.
Aynu hadda baarno bulshada horumarkeed xaggee ayuu ka yimaadaa? Yayse tahay cidda mas’uulka ka noqonaysa horumarkaas? Aragtiyadaha laga qabo arrinkaan waa isdiidi karaan, waxaase meel la isla dhigay; in horumarinta bulshadu ay ku xirantahay sida ay bulshadaasi u abaabulantahay oo ay u dhowrto xeerka bulshada ood wadaaga ah. Horumarka bulshadu waxa uu ka yimaadaa; sida loo dhowro xididada geedka cadaalladda oo loo waraabiyo. Horumarka bulshadu waxa uu ku xiranyahay inta ay la egtahay awoodda iyo kartida hoggaamineed ee hoggaamiyaha bulshadaas. In bulsho la abaabulo oo jidka horumarka afka loo saaro waa arrin weyn oo cidkasta aysan samayn kareyn. Hagidda bulshadu waa mid la rabo in ay isla bulshada ka timaado. Intaa kolka aynu isla garanno, waxaa la garowsan karaa cudurka haysta horumarka Soomaalida—War la helyaaba, talo la hele—isla jeerkaasna xalka ayaa la ogaanayaa. Sannadadii 1960dii ka danbeeyay, Soomaalidu waxa ay inyar u soo dhaqaaqday habka dowlad dhiska (state building) iyada oo ka soo iilatay in yar noloshii (gebigeedba) xoola-dhaqashada ahayd. Isbeddelkaas yar ma keenin; in ay la jaanqaaddo dadyowgii ku loodka ahaa, oo sannado kale ayay dib u sii dhacday iyada oo dib ugu biirtay liiska wadannada aan wax horumar ah samayn. Tani kama dhigna in bulshada Soomaaliyeed aysan habayaraatee wax horumar ah samaynin Karin. Waase arrin ka imaanaya xagal kale (aspect) oo haleeliddiisu ku adkaaday dadka badankiis. Waxaa ayna (arrintani) toosh ku sii ifinaysa halka uu jiro xalka horumarka Soomaaliya. Miyaanay ahayn?
Cali Xuseen Axmed
Muqadisho, Augost 2021