Waa subax hore waxaan u socdaa jaamacadda waxaana ahay sannadkii koobaad qeybtiisa labaad waxaan gaari ka raacayaa TABAKAAYA MADOW, halka gaariga laga raacayo waa busteejo oo gaari gaari kama hormari karo illaa uu buuxsado maahine, sida caadiga ah kolka gaarigu meel busteeja ah ka baxayo wadaha gaariga iyo caawiyihiisu ba waa iska fadhiistaan gaarina waxaa dadka u sheega halka uu ku socdo qof kale oo ay nacamleeye ugu yeeraan sidaasna lacag ku qaata, kolkaan ogaaday in gaarigu halkaan rabo sii maraya ayaan kursiga ka danbeeya darawalka fadhiistay anigoo noqday qofka afaraad ee kursiga ku fadhiista ninkii gaarigii ayuu kol ba meesha uu u socdo dadka u tilmaamaa dadkuna waa isaga soo qulqulaan, ninka gaariga tilmaamaya halkuu ku jeedo ani qiyaasteyda wuxuu ila ahaa da’deyda oo kale. Gaarigii waa buuxsamay waxaa kursiga hore ku soo fadhiistay wadihii gaariga, oo aan wax caawiya ah la socon, nacamleeyihii oo ka warhayay in gaarigu buuxu isla markaana og in darawalku dhaqaajin rabo gaariga ayaa darawalkii ku yiri ‘’isii lacagteydii’’ sida ka muuqatay ninka wadaha ah ma heynin lacag sarrif ah wuxuu dadweyniihii u soo jeediyay in qof ka mid ah lacagtuu ugu tala galay in uu gadaal ka bixiyo hadda u hormariyo si uu ninkaan isaga siiyo lacag, mid kaloo dhallinyara ah oo gaariga heystay ayaa jeebka gacanta geliyay lacag qiyaas ahaan illa muuqatay shan kun shilin soomaali ah (5,000) soo bixiyay halkii la rabay lacagta in uu darawalka u dhiibo waxaa qabsaday ninkii lacagta dalbaday ‘’nacamleeyihii’’ darawalkii ayaa ku yiri ‘’ war keen lacagta xaqaagii waa ka badantahaye’’, wiilkii lacagtii ayuu si fiican u xajiyay isha ayuu si kal iyo lab ah kaga buuxsaday lacagtii, kolkaas ayuu yiri ‘’saakay haddaan intaan heysan lahaa ma ba soo bexeyn” lacagti ayuu darawalkii u dhiibay lacag, 2,000 shilin soomaali ah ayuu siiyay ninkii gaariga u raray. Aniga weedhaas aad bay ii damqisay dareen gaar ahna waa i gelisay waxaan eegmo kale u lahaaday inankii gaariga igu soo agaasimay waa ba mid ani ila da’ ah qurux iyo jidh dhisanna Alle siiyay maxayse kuugu taal qofku qalbiga ayuu ka noolyahay e, haddii qalbigiisu dhintana waxba uma yaalaan. Aad baan uga qiirooday maskaxdu su’aala dhawr ah ayay isweydiineysaa tolow inanka maxaa saan u hammi tiray? Shan kun maxay nolosha maanta dhan ka tareysaa? Wiilka dhallinyarada ah ee awooddiisa dhallinyarnimo ku koobay qiimo intaas la eg maxay kula tahay in uu nolosha wax ku soo biiriyo? Waa jiraan dad noloshoodu ku billaabatay hammi hoose gadaal se wax walba isbedeleen sidaas oo kale wadamadu waa ka simanyihiin dhallinta sidaan oo kale u han jabansan soomaliduse waa kaga duwantahay. Da’yarka akhrinayoow ama duqeyda akhrineysooy ogoow in aad qeyb ka noqoto hiraal dhisida iyo hammi uyeelida kuwa han beelay heeryada qabyaaladuna hooy u tahay.
Mansha'Allah
ReplyDeleteQormadaan waa mid xiso badan waan kaga mahad celinayaa sxp Ali
ReplyDelete