Mustaqbalka Beeraha Soomaaliya


Kolka aad aragto magaca qormada waxa aad isweydiin doontaa, mustaqbalka beeruhu muxuu yahay? Sideese loo saadaalin karaa? Iyo su'aalo la cayn ah. Ka horse aan guudmarno Soomaaliya iyo sida dhulbeereedkeedu saameyn mug leh ugu leeyihiin wax ka beddelidda hoggaanka dalka. 

Soomaaliya waa waddan dhaca geeska ugu bareeya qaaradda Afrika, waxa uu ku yaal marin istaraatiyeed oo aad ugu muhiim ah ganacsiga caalamiga iyo kan gobolka. Soomaaliya intaa waxaa u dheer dhulkeedu waa mid hodon ku ah tiro kheyraad jaadad kala duwan leh, berri iyo bad. Dhulkeeda inta bacrinta ah ee beerashada ku habboon waxaa lagu qiyaasaa 8.1 hektar iyo dheeraad. Cimillada waddanku waa kuleyl iyo kuleyl xigeen aad ugu wanaagsan nolosha noolaha badankii. Intaa kolka aan ka nimaad, Soomaaliya waa waddan leh dhulbeereed baaxad weyn leh, laba webi oo inta badan sannadkii durdurayana ay maraan. Waa waddan Sooyaal waxsoosaareed leh, waxsoosaarka waddanku wuxuu gaaray heer waddammo kale ku iibgeeyaan waxsoosaarkooda magaca waxsoosaarka Soomaaliya. 

Beeruhu Soomaaliya waxa ay ugu jiraan ama uga jiraan kaallin weyn xagga isbeddelka siyaasadda waddanka, waase mid aan wax badan kasmo loo lahayn. Dhaqaalaha waddanka qaybta ugu badan waxa uu ka yimaad xoolaha halka qaybta xigta waxsoosaarka beeraha uu ku tiirsanyahay. Beeruhu sidaa darteed, waxa ay kaallin miisaan leh ku leeyihiin in isbeddel siyaasadeed waddanka ka dhaco. Waa goorma? Kol haddii ay jirto kasmo ah in ka faaiideysiga beeraha looga maarmi karo gacan hoorsiga lala hoos joogo adduunla iyo kaalmada aan bil kasta ka helno adduunka, beeruhu waxa ay beddel iyo dheeraad u noqon karaan wax kasta oo aan dunida weydiisanno. Waxa ay sabab u noqonayaan madax banaani, ixtiraam ummadnimo, ka qayb noqoshada fadhiyada waddannada caalamka ugu toog roon.

Mustaqbalka beeraha Soomaaliya waa mid ku xiran kan maamulka guud e waddanka. Sidee? Kolk aynu dib u eegno taariikhda waxa jira gu' la magac bacay KACAANKII BEERAHA. Gugaas waxa uu ku suntanaa iabeddel xagga beeraha ay ka sameeyeen waddammo dhawr ah, iyadoo ujeedku ahaa in la beeniyo war ay dhaqaaleyahannadu beri sheegeen oo ahaa: in kororka dadku badanayo sannad kasta, dhulkuna uusan kordheyn; sidaas darteed ay dhici doonto macluul iyo in malaayiin dad ahi gaajo u le'daan. Kacaankaasi waxaa lagu dhaliyay tabo aysan warkaasi ku rumoobin, waana hirgalay. Haddaba beeruhu waa halbowlaha dhaqaalaha waddanka, dhaqaaluhuna waa toobiyihii waddanku u raaci lahaa himilladiisa iyo ka qayb noqoshada talada caalamka. Waddankeenna, beeruhu waxa ay ku jiraan halka ugu hooseysa. Dadkii ka shaqaynayay waxa ay ku jiraan xerooyin barakacyaal. Sannadka kasta abaar ayaa dhacaysa, bil walbana adduun weynaha ayaanu kaalmo weydiisannaa. Tani waxa la micna tahay inta dalku nidaamka siyaasadeed ka qarribanyahay, beeruhuna ma helayaan wax horumain ah. Taasi oo keeneysa in waxsoosaarkii beeraha, dadkii beeralayda ahaa iyo wax kasta oo beeruhu ku tiirsanaayeen ay baylah noqdaan. 

Beeruhu waxa ay la mustaqbal yihiin bulshada. 

Previous Post Next Post