Aniga iyo Jaamacadda

Qoraalkaan waxa aan qoray 15 September ee sannadkaan.


September waa 15 subax sabti ah, waxa aan ku labbisanahay surwaal iyo shaar ka mid ah labadii joog ee aan khamiisti hore ka soo iibsaday CARWO ISTAAG. Kabo aan guriga walaalkey Axmed ka soo qaatay na waa iigu jiraan. Laabtu waa i boodboodee—farxad iyo cabsi mid ay tahay ma aqaan—canjeero iyo shaah eeddo isoo siisayna aad iiga ma degin oo boodboodka laabta ayaan ka cuni waayay. Qalbi danankaas haddii aan qiyaasana farxad ayuu noqon karaa waayo, saakay waxaan dib u billaabayaa safar waxbarasho oo kuwii hore ka duwan. Maanta oo kale aad ayaan u danayn jiray in aan arko, siiba maalmihii aan Uniform-ka iskuulka xirnaa. Marka uu iga soo hor baxo wiil buug waaweyn wata, shaar medebbo kala duwan lehna xiran aad ayaan u raboon jiray in aan arko anigoo sidaan u labbisan. Maanta in aan gaaray ayay u muuqataa waana waxaa nabdigu ila dananayo.

Dukaankii Warsame oo laamiga saarnaa ayaan 0.5$ ka sarriftay gaari PL ahna waa ku dhacay. Jaamacadda horay ayaan dhowr goor tegay oo waa aqaane, gaarigii labaad ayaan sii raacay. Labis akhyaareed ayaa iga muuqda, heer jaamacadeedna waa joogaa, dadkuna jaamiciga ayay iigu yeerayaan! Waa marxalad aan muddo ku hamiyi jiraye, hoos ayaan ALXAMDULLILAAH ka iri. Jaamacaddii ayaan tegay gaar ahaan kulyaddii beeraha. Dhowr qof oo aan aqaan ayaan isi salaannay. Wixii la joogaba maamulkii iyo ardaydiiba waa isu soo aruureen. Fasalka aan geli doono ma aqaan waase mid aan sii rabo in aan ogaado si aan kursi hore u sii fadhiisto. Hadda ayuu hurmuudkii kulyaddu noo yeeray innagoo badan, qolka ugu horreeya dabaqa kulyadda ayuu na geeyay. Fasalkeygii hadda waa aan gartay. Buug Note aan watay ayaan la kala baxay. Sabti, 15 September 2018 ayaan gees kaga qoray. Mid aan xaafadda soo dhigtay ne waa aan ku soo qortay. Ardada fasalka qaar aan iskuulka isla soo dhigannay iyo kuwo aan siyaalo kale u bartay ayay isugu jiraan, qaar aan aqoonna waa buux. Daqiiqado ka dib ayuu hurmuudkii noo soo galay isagoo macallin hoggaaminayo. 



"Macallinkaan iska barta Ibraahim ayaa la yiraa, maadada Zoology ayuu idiin dhigi doonaa. Waa macallin khabiir ah." Waa runtii oo khabiir ayuu ahaa. Maalinkaa wax badan ayaan ka bartay macallinkaas iyo dhowr qof oo aan gaar ula sheekeystay. Sidoo kale, isla maalinka ayaan duruus dheeri ah ka kororsaday. Waa maalin xasuusteyda ka go'i la e, waxaa noo dhammaaday labadii xiiso. Mar haddii xiisad dhammaatay maxaa yaal oo in la wirwiro ahayn? Salaaddii duhur oo la joogay ayaan dukannay, jidka ayaan soo qabtay anigoo maqsuud ah. Duhurradii aan iskuulka ka imaan jiray ne iiga duwan. Baabuurkii aan soo raacay jidka Macallin Nuur ayaan kaga degtay. Agagaarka Ex Control Afgooye. Gaari kale ayaan ka soo raacay isla jidkii. Balse inta aanan raacin gaariga, waxa aan isku aragnay halkaa Cabdullaahi oo fasalka ila joogay maanta, laakiin aanan is aqoon. Haye, saaxib ma reer Madiina ayaad tahay ayaan weydiiyay. Haa ayuuna iigu jawaabay. Isku fasalna waa nahay, hal xaafadna waa ka soo wada baxnaa, "waa arrin fiican ayuu yiri" aad buu u danaynayay isagu barashadeenna, maxaayeelay Xamar waa ku cusbaa. Inakoo gaariga kursiga ugu danbeeya ee RAAXEEYE fadhinna ayaan telephonnada kala qorannay subaxdii in aan isi soo wacno, horayna isu raacno ayaan ku heshiinnay. 

Nolosha ardaynimadu waa mid iska dhib badan, duruufo iyo waayo nololeedna ay ku gedaammanyihiin. Anigu aad baan u nasiib badanahay Alle na wax badan oo wanaag ah ayuu ila doonay maalmahaa. Fahamka duruusta iyo kasbashada saaxiibbo badan ayaan galay. Macallimiinta wax ii dhigana aad ayaan isu fahamnay. Simistar ayaa dhammaaday mid kale ayaa la galay. Sannadkii labaad waa iiga duwanaa midkii hore. Waayaha jaamacaddu waa mid ka duwan kan iskuulkee, isbeddel aqooneed, id aragtiyeed iyo mid mustaqbalba waa aan sameeyay. Waxa aan aad ula saaxiibay maktabka jaamacadda oo wax weyn i taray.
Waxaa dhacday in aan sannadkii labaad fasalkayga aan ka noqdo horjooge. Horjooganimadu waa howl adag. Waa howl aan dhibteeda iyo dheefteedu isku dhigmin. Kuma jebin kumana qasaarin. Xusuusaha aan fasalkaa ka haysto waxaa ka mid ah in telephone-kii ugu horreeyay oo SMARTPHONE ah ee aan nolosha helo la iiga dhex qaatay. Waayidda telephone-kaasi wax badan iima dhibin. Waayo-aragnimada aan ka bartay nolosha jaamacadda waa mid raadi wanaagsan igu reebtay.

Seddex sano waxa aan duruus adduun ka kororsaday qolkaas 8 mitir ah iyo saaxiibada aan ku dhex samaystay waa mid aan la iska heleyn. Maanta waa 15-ka September sannadkii afaraad ee jamacadda, waana sannadkii ugu danbeeyay. Sidii aan Uniform-kii iskuulka u rabay in aan mar uun siibo ayaan u rabaa in aan markale fasalka derejada labaad ah fadhiisto. U tillaabadda derejada labaad waa mid ka jarrib badan tan aan hadda ka sii baxayo. Maalin weyn oo aan sugi la'ahay ayaa foodda igu soo haysa. Waxa aan ka fekerayaa erayada aan galabkaa hooyaday ugu sheekeyn lahaa. Runtii waa maalin weyn! Farxad ayuu dareemaa qof wal oo heerkaan soo gaara. Kumana jiro qof ay qarka u fuulay in uu joojiso dhamaystirka afartaan sano. Nafteydu waxa ay ii sheegee, in aan wax badan oo kulyaddayda la xiriiray iyo wax kale ba kororsaday. In gaabis jirina waa ay ii sheegaysaa. 



Ali Hussein Ahmed 

Mugadisho, Somalia 

4 Comments

  1. Runtii xasuus taariiq weyn leh beey eheed oo qof walbo qaas buu u ahaa inkastoo meelo badan leeskaga ekaaa oo cabsida kamid eheed anise qof anoo jamacada ka aqoon ayaan imid oo isleh waad weynaatay dad wanaagsan ayaad baranee iyo asxaab cusub oo nolosha isla jaan qaadaan intaasne weey dhacday oo taariiq wanaagsan baaan kadhaxlay sedexda sano soo dhamaatay cashiro badane waan bartay oo hada inta kusoo koobi karin maantane waxaa lajoogaa sanadkii aan ku hamin jirnay inaan mar qura aragno rabi hanagu guuleeyo anakoo faraxsane aan dhameynaa inshaa allah

    ReplyDelete
Previous Post Next Post